Post View....

XOG:Madaxweyne Deni iyo Axmed Karaash oo isku khilaafay isku shaandheynta Wasiirada Galmudug.

0
58

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash waxaa soo kala dhexgalay khilaaf salka ku haya isku shaandheyn lagu sameynayo Golaha Wasiirada.

Sida Warbaahinta gudaha ay u xaqiijiyeen ilo wareedyo  ka dhaw Madaxtooyada, khilaafka ayaa jiray maalmihii lasoo dhaafay, waxaana socday kulamo la isugu soo dhaweynayo Deni iyo Karaash si la isugu shaandheeyo Golaha Wasiirada.

Wasiirada qaarkood ayaa xilalkooda ku weynaya isku shaandheynta, waana tan keentay in Madaxweynaha iyo ku xigeenka ay isku qabtaan, maadaama Golaha Wasiirada ay saaxiibo labadooda la kala yihiin.

Warbaahinta gudaha  wararka ay heshay waxa ay intaa ku darayaan in Axmed Karaash uu dusha saartay Mas’uuliyadda iyo xilalka Wasiirada iyo ku xigeenada Puntland ee kasoo jeeda Gobolka Sool, isla markaana uu doonayo in Madaxweyne Deni uu kala tashto arrimaha Gobolkaas.

Madaxweyne Deni waxa ay kol hore is qabteen Guddoomiyihii Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Puntland Xildhibaan Cabdixakiin Dhoobo Daareed, waxaana xilka looga qaaday mooshin Golaha Wakiilada ay ka keeneen oo lagu eedeeyay in uu abaabulay Madaxweynaha.

Lama ogo halka uu ku dhamaan doono Khilaafka Soo dhexgalay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo tan iyo markii isku maalin lawada doortay uu wanaagsanaa xiriirkooda.

Madaxtooyada Puntland ayaa qorsheyneysa sidii la isugu soo dhaweyn lahaa madaxda sare ee Dowlad Goboleedkaas, kahor inta aan isku shaandheynta lagu sameyn Golaha Wasiirada oo sababay khilaafka.

 

About Author