Post View....

R/Wasaare Kheyre oo xil u magacaabay Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye

0
63

R/Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre ayaa Xalay magacaabay Wasiiru dowlaha Wasaaradsa Ganacsiga & Warshadaha Xukuumadda Federalka Somaliya.

Digreeto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre oo laga sii daayay Warbaahinta dowladda ayaa magacaabistaan lagu sheegay.

R/wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre ayaa C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye u magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.

Wuxuu bedelayaa Daahir Cabdi Cabdullaahi (Dr Go) oo horeyn u haayay xilkaasi wasiiru dowlanimo ee Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha Somaliya.

C.qaadir Shariif Sheekunaa Maye wuxuu ahaa Guddoomiyihii Baarlamaankii Koowaad ee Maamulka Koonfur Galbeed, balse soo xulustii Xildhibaanada Koonfur Galbeed & Doorashadii Guddoonka Baarlamaanka ee maamulkaasi kama qayb galin.

Sida muuqata C/Qaadir Shariif Sheekunaa Maye waxaa lagu qanciyay in xubin Wasiir laga siinaayo Golaha Wasiirada Somaliya sidaasna booska ugu baneeyo booska Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo dowladda Somaliya ay gaysatay shaqsi lasii ogaa inuu doorashada ku soo baxaayo.

 

About Author