Post View....

XOG: Sheikh Shariif oo hor istaagay dagaal dhexmara ciidamo ku heyb ah & DF

0
78

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa ka hor istaagay ciidankiisa ilaalada iyo kuwo kale oo ku heyb dagaal ay la galaan Ciidamada Dowladda Federaalka,kuwaas oo shalay qaarkood rasaas ku furay xarunta Xisbiga Himilo Qaran oo ku taalo degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Masuuliyadda ay muujiyeen ilaalada Madaxweyne hore Sheekh Shariif ayaa muujineysa wacyi gelinta ay ka heystaan hogaanka Madasha Xisbiyada Qaran uu ugu horreeyo Madaxweynihi hore, waxaana tani noqoneysaa isku deygi seddexaad oo ah xaalad abuur lagu beegsaday Hoyga Madaxweynaha iyo Xarunta Madasha Xisbiyada Qaran.

Ciidamo ka careysan xadgudubyada lagu hayo Sheikh Shariif ayaa buux dhaafiyay guriga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay,kuwaas oo ku hubeysan gaadiid dagaal.

Dowladda Federaalka ayaa daan-daansi iyo colaad siyaasadeed ku heyso madaxdii hore ee dalka oo ugu horeeyo hoggaamiyaha madasha Xisbiyada Qaran Sheikh Shariif,kaas oo marar badan madaxda Dowladda ugu hanjabay warbaahinta.

Gaari nuuciisu yahay qooqan laba shirrey Toyota, taariko number keedana uu yahay POL318 oo ah gaadiidka ciidanka booliska Soomaaliyeed, ayaa shalay rasaas ku furay checkpoint laga ilaaliyo Xarunta Madasha Xisbiyadda Qaran iyo Hoyga uu degan yahay Madaxweynihi hore Sheekh Shariif Sheekh Ahmed.

About Author