Post View....

XOG: Go’aanka Cusub Ee Hawiye Qaateen & Shirkii Maanta ka Dhacay Muqdisho

0
90

Kulan ayaa waxa uu maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho oo ay iskugu yimaadeen Waxgarad iyo Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye.

Shirka ayaa lagu falan qeeyey Xaalada Siyaasadeed Ee Soomaaliya islamarkaana la tilmaamay inay Doorashada Dalka miisaanka Beesha ku leedahay lagu soo hadal qaaday.

Waxa lasoo bandhigay Shirka Beelaha Hawiye in loo ballamay qabashada Shir kale oo looga hadlayo Arimo Xasaasi Ah.

Suldaan Abukar Socdaal oo ku hadlayey magaca Curadka Hawiye ayaa shirka ka sheegay in shirweynahaas yahay mid wadatashi ah oo aan cidna looga soo horjeedin. Shirka ayaa waxaa caasuumaad si isku mid ah loogu diray dhamaan odayasha dhaqanka, Siyaasiyiinta Mucaradka, Muxaafidka iyo qeybaha kale ee beesha.

Shirkaan waxaa isha ku heysa Villa Soomaaliya oo dhowreysa wixii laga soo saaro.

About Author