Post View....

XOG: Farmaajo Oo Itoobiya Kala Kaashanaya Dib U Dhigis Lagu Sameeyo Doorashada Somalia

0
69

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Itoobiya kala kaashanaya sidii uu mudo kororsi u sameyn lahaa,taas oo xiisad kale oo hor leh sii gelin karta dalka.

Xisbiyada mucaaradka ayaa ka digay in Dowladda Federaalka oo ku mar marsiyooneysa la tacaalida cudurka Corono Virus dib u dhigto doorashooyinka dalka oo lagu balansan yahay 2020/21.

Ilo ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Warbahainta Gudaha u sheegay in madaxweyne Farmaajo uu natiijo wanaagsan ka leeyahay balan qaad uu ka helay Itoobiya oo ah iney ka caawiso sidii mudo cayiman Xukuumadda dalka ugu darsan lahayd si ay ula tacaasho cudurka dilaaga ah ee Corono Virus.

Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariim Xuseen Guuleed ayaa uga digay Dowladda Farmaajo damaceeda ku aadan in dib u dhigto doorashada dalka.

Sidoo kale, Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa sheegay in khatar amni ay ka dhalan karo qorshaha Dowladda ee dib u dhigista doorashada.

 

About Author