Post View....

XOG: Buuq ka taagan Puntland & Siciid Dani Oo Go’aankiisa la sugayo

0
64

Warar hoose oo aan ka helay ilo ku dhaw dhaw Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa sheegaya in ay ku adkaatay 24 saac ee lasoo dhaafay in uu ku dhiirado Isku shaandheynta golihiisa Wasiiradda, Agaasimayaasha guud & Taliyayaasha ciidamada Amniga.

Xogta, waxay sheegaysaa in shaqsiyaadka sheegta in ay leeyihiin qalinka Saxiixa, Madaxweynuhuna uusan go`aankooda diidi karin, ay bixinayeen dadaal kasta oo ay kuraasta ku heyn karaan, wasiiradda, Agaamiyaasha & Taliyayaasha tayadooda uu marar badan dhaliiley Madaxweyne Deni.

M/weyne kuxigeenka Puntland ayaa dhankiisa difaacanaya kuraasta beeshiisa,wuxuuna ogolaaday 1 wasiir in xilka laga qaado, laguna bedelo nin dhalinyarro ah.

Waxa lasugayo ayaa ah shaacinta isku shaandheynta golaha Xukuumada Putland.

About Author