Post View....

XOG: Amar Culus Oo La Dul Dhigay Milkiilayaasha Hotelada Muqdisho

0
65

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mamnuucday shirarka siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ay ku yeelanayaan Hotelada ku yaalo magaalada Muqdisho.

Ciidamo gaar ah oo dabagal ku sameeyay shirarka mucaaradka ayaa loo diyaariyay,kuwaas oo xog iyo xuuraansi ku sameeya shirarka qarsoodiga ah.

Milkiilayaasha Hotelada waa weyn ee magaalada ayaa lagu wargeliyay ineysan ogolaan shirar aan fasax looga heysan Hay’adaha amniga,kuwaas oo looga soo horjeeda Dowladda.

Waxaa gabi ahaanba la yareeyay dhaq dhaqaaqa iyo isku imaatinka dadweynaha sababo la xiriirka Cudurka Covid-19 oo halistiisa laga digay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shacabka magalaada Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya la wadaagtay tallaabooyin looga hortagi karo caabuqa Corono Virus.

 

About Author