Post View....

Dagaal Beeleed Saakay Ka Socda Galbeedka Kismaayo

0
70

Dagaal beeleed u dhaxeeya laba maleeshiyo oo maalmihii dhowaa ka socday duleedka magaalada  Kismaayo, ayaa lagu soo warramayaa inuu sii xoogeystay islamarkaana ay dad badan ku dhinteen, saakayna uu halkaasi ka socdo

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dhawaqa rasaasta laga maqlayo Galbeedka Kismaayo.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah ayaa badankood ah dhinacyada dagaalamaya.

Dagaalka ayaa sidoo kale kusii baahaya deegaano hore leh, mana jirto illaa iyo hadda cid ku guuleysatay inay joojiso.

Maamulka Jubaland ayaa sheegay inay dhowaan ciidamo u diraan deegaanada dagaalka uu ka socdo, balse weli kuma guuleysan inay joojiyaan dagaalka.

Sidoo kale, dadaallo ay odayaasha labada beel ka sameeyeen magaalada Kismaayo ayaan weli miro-dhalin.

 

About Author