Post View....

Waxay ka hadlaayaan doorasho 2021 halka dalkeenu Ku jiro la tacaalida Koroono Firus 19 iyo Illaah bari

0
103


Dawladeena soomaaliyeed iyo shacabka oo iskaashanaaya,ayaa wada wacyi galin iyo tilmaamo ay tahay in la raaco,si looga hortago faafida cudurkan dilaaga ah ee saameeyay dunida oo dhan.
dawlad kaligeed waxba ma qaban karayso hadaan shacabku gacan siin oo masuuliyada aan qof walbaa dhiniciisa ka qaadan. dadkoo kala fogaada,iska ilaaliya goobaha ay hore uugu kulmi jireen,si aan cudurku ufaafin oo aan laysu qaadsiin darteed. cid wali dunida dawo u haysa majirto fayruskaan. intuu qaadan cid og majirto dalwalbaa wuxuu ku dadaalayaa badbaadinta dadkiisa iyo wacyi galintiisa.
Niman mucaarad sheegta lakiin ah cadaw soomaliyeed, waxaa xaqiiqawday in waalidii hore loogu sheegay ay dhab tahay oo aysan fayoobi qabin.waxay haystaan malaayiin doolar oo dalkan ay hore uga dhaceen markii lagu aaminay masiirkii dalka. hayeeshee wali mahayno iyagoo lacagtaa dalku leeyahay ee ay sida tuuganimada ah u haystaan in ay dadkan soomaaliyeed ee dhibaataysan dib wax uugu celiyaan oo dhankooda gurmad galaan. halka ay kursi iyo doorasho kaga mashquulsanyihiin xili aad u xun,halkaana waxaad ka fahmaysaa in aysan xil iyo masuuliyad qaadi karin oo aan lagu aamini karayn sharciyana sida dalkeenu qabo dastuur ahaan iyo xeer doorasho ahaan xiliga dalku galo xaaladan oo kale dib baa loo dhigaa wixii khuseeya doorasho waana sharci inoo qoran hada iyo intaynu dawlad ahayn waligeenba sharcigana waa in la raacaa cidna kama hor iman karto. way ogyihiin in aan cidina fursad u hayn doorasho iyo wax u dhaw  toona wayna garanayaan sharciga ee waa iimaan xumo iyo caqli yari iyo cadaawad ay u qabaan soomaali waxa ka qaylisiinaaya xili dalku dhibaataysan yahay oo koomo ku jiro.
In ay maryaha tuurteen oo waalan yihiin way cadaatay,musiibo cudur faafa oo dunida illaahay keenay ayay ku eedaynayaan FAYRUSKA socdaa majiro dawladaa kan danbaysa oo rabta in ay ku darsato!! Waayo bay yiraahdeen fayrusku wax jira ma aha waa wax la buun buuninaayo! waaba niman wax la mucaarado iyo wax kale aan kala garanayn oo miyirbaan jirin,hade dad waalana cidina waxba u dhiiban mayso fayoobi. waxaa laga dhaadhicin waayay war fayruskaan dawladu ma wadato ee waa xanuun dunida ku faafaya kaligeen maha warna ma aha fayrusku wax jira ma aha.
Waad aragtaan maanta nimanka sheegta ee ku gabada mucaarad,balse dhab ahaan ah shabakad maafiya ah oo ah heer caalami ah unashaqeeya cadawgeena dibada in ay wax kalaba ha joogtee aymaanta xili dunidu gaalo iyo muslimba nin waliba ka naxaayo oo badbaadinaayo dalkiisa kadib musuubada guud ee cudurada faafaa dunida ku hayaan dhibaato farabadan oo gaarsiisan heer dadku u dhimanayaan fayruuskaas.
Balsoomaaliyeey iswaydiiya heerka cadaawada aygarsiisantahay nimankan mucaaradka sheeganayaa,oo kahadlaaya doorasho iyo kursi uu hunguri kaga jiro doorasho sanadkan aan ahayn ee ah sanadka soo socda hadii illaahay idmo.Dadka soomaaliyeed waxay dawlad iyo shacaba ka walwalsanyihiin dadkooda gudaha iyo dadkooda dibada kunool intaba maadaama cudurkani  uusaameeyay dal horumaray xaga dhaqaalaha iyo cilmigaba iyo mid baabasan oo heer hoose ah dhaqaale iyo aqoonba,shaqsi taajir ah iyo mid faqiir ah,mid madax ah iyo mid aan xilba haynin intaba simay ee aan xalba loo hayn.
Muslimiinta oo ay uugu horayso soomaalidu waxay ku jiraan illaahay in labaryo,laysuna gurmado oo layskaalmeeyo talo iyo wax tarba dhanwalba ah. kawarama cadawgeenii gudaha haday ku fikirayaan ka faa iidaysta maantay khal khal ku jiraan oo cudur asiibay ee!! waxay kahadlayaan doorasho iyo kursi.
Dadka soomaaliyeed waa taariikh qoran mana iloobayaan,waranka cadawga guduhu ku dhuftay iyagoo liita maanta.Garaad yaridooda iyo garasho xumadooda kuwaas ayaa kursi damacsan oo codkaraba shacabka aymaanta waranka la dhacayaan oo bakhdi dilayaan iyo dalkooda ay khiyaamaynayaan. maanta hadal inooma yaal aan ahayn illaahay in la baryo in uu badbaadiyo soomaali dalkeena waayo inagu awalbaan liidanay,oo waa wada ognahay xaalada dalkeena,markaa waa in aan u ducaynaa dadkeena dibada iyo kuweena gudaha intaas ayaa inoo furan.
Nin cadaw u adeegaaya,oo hadafkiisu yahay in uu kursi helo kadibna lacag aruursado dalkana halaago waxba nama yeelin ciilkuu nooqabo unbuu natusay hadaan nahay shacabkii soomaaliyeed ee dalkooda jeclaa. tani maha mid laysaga haraayo!. dal iyo dad iyo diin midna kamalaha dan mana daneeyaan dhibaatada maanta haysata soomaali,kama naxayaan dhiigbaxa dalkeena yaala iyo shacabka geerada dariska la ah dal iyo dibadba,waxay rabaan oo dan ka leeyihiin kursi in ay helaan iyo lacag oo kaliya.
Dhab ahaan aad baan uuga xumahay in dad noocaan ah lagu sheego soomaali,waana wax lagu yaqyaqsado waxay samaynayaan oo aan suura gal ka ahayn gaalo iyo muslimtoona.waxaa cajaa ib ah arinkaan ka hadlayaa iyo ragaani maha beel gaara waa beelo kala duwan dhanba ha u bateene,waxaadna arkaysaa dad iyaga ku beel ah oo leh damiir iyo wadaniyad markaa arinku waa damiirka uu shaqsigu u dhashay iyo cagligiisa maha qabiil. labadii isla dhalatay ayaa midna yahay nasab gob ah midna yahay gun aan garasho  haba yaraatee lahayn dadku waa sidaas.
waa shaqsiyaad iimaanka beelay oo horor ah maskax gaaban. waxay caadawku yihiin dawlad soomaaliyeed iyo dal soomaaliyeed oo jira oo dunida la sinaada. waxay rabaan in ay cid u noqdaan khaadin oo kaba qaadnimo ayay u samaysan yihiin mana xamili karaan gobonimo iyo sarayn mana fahmi karaan. shacabka soomaaliyeed cadawgaas gudaha ee ah shaqsiyaadka danaysanaaya ilgaara sidaa ha ugu hayeen dalkana haka ilaashadeen cadawgaas foosha xun. hadii dalkeena soomaaliyeed ay is qabtaan dalkale markiiba waxay la jiraan dalkaa kale si soomaaliya loo hoojiyo. waxay ka xun yihiin oo diideen dayntii dalkeena laga cafiyay, hadii aan shacabku iska ilaalin waxaa hubaal ah in ay cudurka si cadawnimo ah uugu faafinayaan soomaaliya.
Yusuf Omar

About Author