Post View....

Waa maxay waxyaabaha laga doonayo qofka sooman in uu la yimaado? Qaybtii 2aad

0
101

Waxaa soo diyaariyay: Maxamed Xaaji (Maxamedeyn)

Qofka sooman hadduu riyoodo oo ay shahwo ka timaado soonkiisu wuu jiraa, waayo sida ay culumadu sheegeen uma qasdin, qofka sooman hadduu mantago, yacni uu hunqaaco oo uusan iska keenin, soonkiisu waa u jiraa, qofkii cuna ama cabba isagoo illowsan, soonkiisu wuu wadanaya, qofkii sankiisa dhiig ka yimaado ama dhaawac dartii uga yimaado, qasadkiisuna ahayn in uu dhiiggaasi iska keeno, soonkiisu wuu jiraa.

Qofka musaafurka ah waxaa loo oggol yahay in uu afuro, rasuulka sallallaahu caleyhi wasallam wuxuu yiri, sida ku xusan saxiixaynka soona weriyay Jaabir bin Cabdullaahi: khayrku kama mid aha in safarka lagu soomo.

Qofka sooman waxaa laga doonaya, In uu deddejiyo afurka, kuna bilaabo timir ama biyo ama wixii uu heli karo, saxiixaynka waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay Sahal bin Sacad, wuxuu nebiga sallallaahu caleyhi wasallam uu yiri: dadku waxay ku sugan yihiin khayr, goor ay dedejiyaan afurka.

Allah wuxuu aqbalaa ducada qofka sooman, gaar ahaan xilliga afurka,  sunnooyinka abu Daawuud waxaa ku xusan, in Cabdullaahi bin Cumar uu yiri: nebiga sallallaahu caleyhi wasallam wuxuu oran jiray markuu afuro: Alxamdu lillaahi, dahaba damu’, wabtalatil curuuqu, wathabatal ajru inshaa Allaahu tacaala, (Rabbi baa mahad iska leh, harraadkii waa tegay, xididdaduna wey buuxsameen, ajarkiina wuu sugnaaday, Allaha weyne idankii).

Waxyaabaha soonka buriya waxaa ka mid ah: cunto iyo cabbid oo caloosha gaaro si kastaba haku gaare ama afka hakaga soo gaaro ama sanka ama xididdada, waxaa kaloo buriya: in uu qofka iska keeno mantag, yacni hunqaaco, waxaa kaloo buriya, labada is qaba oo isku galmooda iyagoo sooman, haddii ay dhacdana waa in ay Allah denbi dhaaf weydiistaan, soonkiina waa in ay gudaan, lana yimaadaan kafaarogud oo ah: xorrayn addoon ama soomid labo bilood oo isku xigta ama quudin lixdan miskiin.

Labada is qaba haddii ay safar ku jiraan waa loo oggol yahay in ay afuraan, haddii ay doonaana wey isku tegi karaan, hayeeshe waa in ay soonku gudaan marka ay safarkooda ka soo laabtaan.

Qaar ka tirsan culumada waxay masaafada safarka ku gooyeen 80 kiilo meter ku dhowaad, haddiise uu qofku safarkiisa ku soomi karo soonkiisu waa sax, hadduu ku dhibtoodana wuu afuraya, Allah wuxuu yiri: Allah ma dhibo naf, waxay awooddo mooye (Al Baqara: 286).

Dadka aan soomi karin waxaa ka mid ah, haweenayda la kulanto dhiigga caadada ah (xaylka), xataa haddii ay gabadhu la kulanto xaylka afurkiina uga hadhay shan daqiiqo wey afuraysa oo soonkii wedi mayso, haseyeeshe marka ay caadada ka dhaqato soonkii wey gudaysa salaadduse gudi meyso.

Qofka markuu da’ yahay oo aan soomi karin, waa in uu afuro, hayeeshe wuxuu maalin kasta quudinaya hal miskiin, Allah wuxuu yiri: dadka dhib ku ah soonka waa in ay miskiin quudiyaan (Al Baqara: 184), sidoo kale haweenayda haddii ay uur leedahay ama ay ilmaha naaska nuujinayso, soonkuna uu dhib ku noqdo, wey afuraysa gadaal ayayna ka gudaysa, waana in ay maalin kasta hal miskiin ah quudisa, laakiinse qaar ahlu cilmiga ah waxay qabaan: in soonkii ay gudayso oo keliya, haseyeeshe aan laga doonayn wax kafaaro ah.

Qofka jirran wuu afuraya, hadduu bugsoodana wuu soo celinaya, hayeeshe haddii ay jirradiisu daawo lahayn, waa in uu maalin kasta hal qof oo miskiin ah quudiyaa, lagamana doonayo in uu soonkii soo celiyo.

Waxaa wanaagsan in suxuurta dib loo dhigo, saxiixaynka waxaa ku xusan, xadiis uu soo weriyay Anas bin Maalik, wuxuu nebiga sallallaahu caleyhi wasallam uu yiri: waa in aad suxuurataan, maxaa yeelay suxuurta waa barako, saxiixaynka waxaa ku xusan in Zeyd bin Thaabit uu yiri: waxaan la suxuuranay rasuulullaahi, kaddibna waxaanu u istaagnay salaadda, waxaa la weydiiyay: immisaa u dhexaysay suxuurtiina iyo xilliga aad u istaagteen salaadda?, wuxuu yiri: qaddar 50 aayadood la aqrinayo.

Saxiixu Muslim waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay Camr bin AlCaas, wuxuu rasuulka sallallaahu caleyhi wasallam uu yiri: soonka islaamka iyo soonka ahlu kitaabka waxaa u dhexeeya suxuurta, yacni ahlu kitaabku ma suxuuran jirin, waa inoo berri iyo qaybtii 3aad inshaa Allah.

About Author