Post View....

Wasaaradda Boostada oo soo bandhigtay sida looga faa’iideysan karo teknolojiyada xilliga xayiraadda Coronavirus.

0
71

Muqdisho:-Iyadoo la tixgelinayo saameynta uu cudurka Coronavirus ku yeeshay hannaankii shaqo iyo nololeed ee dalkeena, iyo go’aamadii ka soo baxay Ra’iisul-wasaaraha, Wasaaradda Boostada Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) waxay ku baraarujineysaa qeybaha kala duwan sida ay uga faa’iideysan karaan teknolojiyada si hawlaha qaarkood ay sii socan karaan, inta lagu guda-jiro xayiraadda cudurka Coronavirus.

Iyadoo taageero ka heleysa Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta ee Bankiga Adduunka, Wasaaraddu waxay soo dhammeystirtay illaa 37 qolal shir (communication rooms) oo laga hirgeliyay Somaliland, Puntland, GalMudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Caasimadda Muqdisho. Qolalkaas ayaa loogu talo galay inay ku wada xiriiraan hay’adaha kala duwan ee dawladeed iyo kuwa caalamiga ah ee ay xiriirka la leeyihiin si loo yareeyo safarrada, loona kordhiyo isku-xirka wada-shaqeynta, iyadoo markan la ilaalinayo tilmaamaha caafimaad ee la xiriira Coronavirus.

Wasiirka Boostada, Isgaarsinta, iyo Teknolojiyada, Md. Eng. Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in laga faa’iideysto qolalkaas maadaama la joojiyay isku-socodkii, wuxuuna ku boorriyay wasaaradaha heer dawlad-goboleed iyo heer federaalba inay wadaagaan qolalka isgaarsiinta, maadaama aysan dhaqaale ahaan suurtogal ahayn in wasaarad walba loo dhiso mid u gaar ah. Wasiirku wuxuu intaasi ku daray in Wasaaraddu kaalinta kaga gudboon ka qaadan doonto sidii loo kordhin lahaa xawaaraha internetka ee wasaaradaha heer federal iyo heer dawlad-goboleedba, iyadoo lala kaashanayo Bankiga Adduunka oo aan adeeggan uga mahadcelineyno.

Dhinaca kale, wuxuu Wasiirku wuxuu ammaanay sida jaamacadaha dalka ay uga faa’iideysanayaan inay waxbarashada ku bixiyaan qaab online ah, iyadoo hore ay WBI&T gacan ka siisay qaar ka mid ah jaamacadaha ka tirsan SomaliREN sidii ay u heli lahaayeen internet ay u adeegsan karaan wax-barista, inkastoo wasiirku uu qiray in ardeyda iyo goobaha waxbarashada dalka oo dhan aysan wada heli karin internet u saamaxaya inay wax lagu bari karo, lagana baran karo. Qorshaha Siyaasadda Isgaarsiinta Qaranka ee 2019-2024 waxaa ku jirta in iskuul iyo jaamacad kasta ay helaan internet, taas oo horumarin doonta adeegyada waxbarashada.

Wasiirku wuxuu kaloo xusay in wasaaraddu gacan ka geysaneyso intii karaankeeda sidii teknolojiyada loogu adeegsan lahaa fududeynta hawlaha uu xannibay Coronavirus, iyadoo mar kastaba lagu dhaqmayo talooyinka Guddiga qaabilsan Coronavirus iyo go’aamada kale ee ka soo baxa Dawladda.

Ugu dambeyntii, wasiirka ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed meel kasto oo ay joogaan inay kordhiyaan taxadarkooda, qaataana talooyinka caafimaadka iyo awaamiirta dalalka ay ku nool yihiin, isagoo Alle ka baryay inuu adduunyada ka dulqaado musiibadan uu la yimid cudurkan dilaaga ah.

About Author