Post View....

Nasashada Jimcaha. Q-194aad=Iska jirhee , ha ku sirmin, haddaad London joogto, “Toilet paper-ka” Hindiya waxaa marsan Basbaas=.

0
69

Caawa Corona kaliya aa !!!.

1-Shalay: Dhakhtar Washington Jooga ayaa Su’aalo weeydiiyay Nin Looga shakiyay in uu qabo Cudurka “Corona Virus”. waxa uu Dhakhtarkii yiri: 2dii Bil ee u dambeysay ma tagtay Waddan “Corona” ka dilaacay? . Ninkii ayaa ku jawabay : Haa , waxaan tagay Wadanka Mareykanka.

Maantana: Magaalada Washington, Bank ayaa lagu kala Cararay kadib markii ey soo galeen 3 Qof oo Gafuurku u duuban yahay, iyagiina dhinacooda ayeey ka carareen. Waxaa la ogaaday in uu u xirnaa “Mask” ah kan Sanka lagu xirto si la isaga ilaaliyo Coronaha (F.S:1aad).

( Ar Ameerikaanaa, Cudurka hayo miyey Dal kale ka raadinayaan, marna Filimka Coronaha miyey Bank la dhacayo nooga dhigayaan)

2- Nan Sakhraan ah oo Guriga lagu karaantiilay , ayaa saaxiibkii kale telephone u diray kuna yiri: Saaxiiboow 7 Cisho Guriga kama bixin sidii “Corona” u dilaacay, TV ayaan ka maqlay in Gacmaha la iska dhaqo, Rubac saaciiba/ 30 Mar. sidii aan Saabuun ugu dhaqayay Lafihii ayaa iga soo bixi rabo. Kii kale ayaa yiri: Anna sidii aan u dhaqayay Gacmaha waxaa soo baxay Qishkii imtixaan aan qishay 1990kii. ( F.S: 2 & 3aad)

( Haddad Gurigaaga Joogto, Gacmaha ha iska Murxin ee 5 jeer weysa qaado)

3-Xaliimo ayaa tiri: Faa’iidada “Coronaha” waxaa ka mid ah, Anniga iyo Duqeeyga ayaa Waqti badan oo aan is cidleeysano isku helnay, laakin ma aheyn in isgoolada la fasaxo. Engineer Faarax ayaa yiri: Sagaal bil kadib waxaa Magaalada ku dhalan doono Caruur badan. 15 Sanno kadibna, “Ciyaalkii Xaafadda” waxaa badali doono, Ciyaal la yiraa “Ciyaalkii Corona Viruska”. waxaa eyna dhasheen sannadkii la waayay Warqadaha Musqulaha “ Toilet paper”. Xalimo ayaa ku tiri: Engineere maanta kadib Guriga ku shaqeeyso, shaqo banaanka loo aadayo ma jirto. ( F.S: 4 & 5aad)

( Ar Xaliimo taladeeda hala qaato, fursada odayga iyo Caruurtana hala kala qariyo, Caruurtana yaan banaanka loo dirin)

4-Nabadoon Dhaliili jiray Xildhibaankiisa, ayaa maanta noogu yimid Makhaayad ku taal Xaafadda Hodon , isaga oo amaanayo Xildhibaankii. Waxaan ku niri: Maxaa cusb maanta waad is badeshaye, waxa uu nagu yiri: Ninba waa tolkiis, Xildhibaankii waxa uu maanta ii soo Damiinta wiil aan Adeer u ahay oo Qabay Cudurka Coronaha kuna xareeynaa Xerada Karaantiilka, Hada wiilkii waxa uu joogaa Gurigeeyga.

Waxaa aragsa iigu dambeysay odaygii oo kaligii Makhaayadii fadhiya.

( Ar Somali iyo Qabiilaa, haddana Carona miyaa la isku Damiinahaa)

5- Nin ayaa tagay Dukaan London ku yaal kuna yiri: waxaa aan ku xayirnaa guriga 2 usbuuc, waxaan isticmaalay 6 Carton oo ah warqada Musqusha “Toilet paper” si aan uga taxadaro Coronaha , hadda warqado kale ma heeysaa? Dukaanlihii ayaa yiri: beenta dhaaf, shuban miyaa ku hayay, soow “Coronuhu” Neef mareenka kuma dhaco. Hadda waxaan hayaa Toilet papers uu noogu deeqay wadanka Hindiya oo aan hore u gmeeysan jirnay.

(Iska jirhee , ha ku sirmin, haddaad London joogto, “Toilet paper-ka” Hindiya waxaa marsan Basbaas) ( F.S: 6 &7aad)

6-Haweeneey ayaa Ninkeeda oo Guriga ka maqan, Telefonkiisa ka baartay Magacyada Dadka uu Xiriirka la leeyahay Ninkeedu. Waxa ey ku aragtay Qof uu xiriir la leeyahay oo Magaciisa uu ku soo koobay “ Corona Virus” wey la yaabtay Qofkaan. Kadibna waxa ey wacday Qofkii “Corona”. Waxaa soo dhacay Telefonkeedii.

( War cidda hala maslaxo)

Alloow Dhamaanteen Corona naga Najeey. Aamiin, Aamiin, Aamiin

Qore: Yahya Amir

About Author