Post View....

‘Sidan ayey Xaaladdeydu noqotay markii uu igu dhacay coronavirus’sidaas waxa Yiri

0
60

Jozef Wallis waa40 jir uu caafimaadkiisa wanaagsanaa, laakiin haddana sidaasoo ay tahay waxaa la dhigay qeybta bukaannada xaaladdooda halista tahay la jiifiyo ee isbitaalka, kaddib markii ku dhacay coronavirus.

Markii uu dhammeystay maalin Arbaco ah oo uu howlihiisa caadiga ah ku guda jiray, 11-kii bishii March, ayuu u baxay si uu cabitaan u doonto.

Waxbadan kama soo wareegin markii uu billaabay inuu dareemo madax wareer, kalagoysyadana ay xanuuneen.

.

Islamarkii uu tagay gurigiisa, oo ku yaalla koonfurta-bari ee magaalada London, “wuxuu gariirayay”, sida uu sheegay.

‘Ma dooneynin inaan dhaqdhaqaaqo’

Jozef Wallis,Lahaanshaha sawirkaJOZEF WALLIS,
Image captionMr Wallis wuxuu isasoo sawiray isagoo ku jira isbitaalka

Waxaan isku tuuray kursigii fadhiga, anigoo xaaladdeyda aysan wanaagsaneyn. Islamrkiiba xanuunkeygii wuxuu noqday qandho. Mar wuxuu jirkeyga noqonayay qabow sida barafka ah marna kuleyl sida dabka ah.

Jirka oo dhan waxaan ka dareemayay xanuun daran.

Kaddib waxaa ii xigay qufac aan xaako lahayn oo isdaba joog ah, kaasoo ii sababay inay neefta igu dhagto.

Runtii ma dooneynin inaan dhaqdhaqaaq sameeyo gabi ahaanba.

‘Xageen kasoo qaaday cudurka?’

Jozef Wallis,Lahaanshaha sawirkaJOZEF WALLIS
Image captionMr Wallis said he felt lucky to be diagnosed early.

Waxaan joogay guriga, kaligey ayaana meel isku ilaalinayay.

Waxaan ahay qof aan xanuunno hore qabin oo caafimaadkeygu waa 100%.

Laakiin dhowr maalmood kaddib, waxaan dareemay daciifnimo dheeri ah iyo daal, sidaas awgeedna qoyskeyga waxay u yeereen gaariga ambalaasta ah.

Waxaa la i dhigay qeybta bukaannada xaaladdoodu halista tahay la jiifiyo ee isbitaalka, waxaana la igu sameeyay baaritaanno.

Qiyaastii 30 saacadood kaddib, waxaa la ii sheegay inaan qabo cudurka Covid-19.

Xaggee laga yaabaa inaan kasoo qaaday tolow? Mar walba waxaan ku sugnaa meelaha dhulka hoostiisa ah, dad badan ayaana la kulmi jiray.

Waxay xirteen dhar qafilan markii ay guriga i geynayeen

people in hazmat suits transport Mr Wallis homeLahaanshaha sawirkaJOZEF WALLIS
Image captionMr Wallis waxaa gurigiisa lagu geeyay ambalaas

Waxaa la ii gudbiyay qeyb ka mid ah isbitaalka oo dad kale ila wadaagaan, halkaasoo aan kula jiray shan qof oo kale oo qaba coronavirus, xaaladdeydana waxaa dajiyay dhakhaatiirta.

Labo ka mid ah bukaannada waxaa loo gudbiyay qeybta lagula tacaalo dadka ay xaaladdoodu aadka u liidato, si looga caawiyo neefsashada.

Waxaan nasiib u yeeshay in isbitaalka la iga saaro shan habeen kaddib, dad dhar qafilan xiran ayaana gurigeyga i geeyay.

Waa inaan ku faanno shaqada ay noo hayaan howl-wadeennaga hay’adda qaran ee caafimaadka(NHS).

Ma waxaan ahay qof aan cudurka gudbineynin?

Jozef Wallis, and familyLahaanshaha sawirkaJOZEF WALLIS
Image captionMr Wallis wuxuu dadka kale ugu baaqay inay guryahooda ku ekaadaan

Saddex isbuuc kaddib, waxaan dareemayaa inay xaaladdeydu aad usoo fiicnaaneyso, laakiin wali si dhakhso ah ayaan u daalaa.

Macluumaadku ma kala cadda, ma hubo ilaa goorta aan is karantiilayo.

Wali ma laga yaabaa inaan cudurka faafin karo mise waxaan ahay qof aan cudurka gudbineynin? Ma kala cadda.

Caabuqan wuxuu weerari karaa qof walba. Waxaan nasiib u leeyahay inaan xilli hore la tacaalay.

Waxaan u mahad naqayaa dadka i caawiyay xilliga aan u baahnaa.

About Author