Post View....

Didier Drogba: Sida uu weeraryahanka Ivory Coast u hakiyay dagaalkii sokeeye ee ka socday dalkiisa hooyo

0
66

Garoonka Al-Merrikh Stadium, oo ku yaalla magaalada labaad ee ugu weyn dalka Suudaan ee Omdurman, kama mid aha garoomada la isku ballansado ee ugu waaweyn caalamka. Haddana sidaas oo ay tahay wuxuu sabab u noqday mid ka mid ah dhacdooyinka ugu xasuusta badan ee ciyaaraha qeyrul-caadiga ah ee kubadda cagta.

Taariikhdu waxay ahayd 8-dii bishii October ee sanadkii 2005-tii. Xisaabta usoo gudbitaanka Tartankii Koobka Adduunka ee 2006 waxay iska sahlaneyd. Haddii Cameroon ay ka guuleysato Masar waxay markoodii lixaad usoo bixi lahaayeen tartanka caalamiga ah. Wax walba oo intaas ka yar (oo ah barbarro ama guul darro ku dhacda Cameroon) waxay sahli lahayd in Ivory Coast, oo Suudaan la ciyaareysay, hal dhibic kaliyana dambeysay, ay usoo baxdo ciyaaraha Koobka Adduunka – waliba markii ugu horreysay.

Didier Drogba celebrates scoring

Naaneysta “jiilka dahabiga ah” ayaa loo bixiyay kooxda xulka qaranka Ivory Coast ee ciyaareysay 2005-tii. Waxaa hoggaaminayay laacibka hadda sida weyn dunida looga yaqaanno ee lagu magacaabo Didier Drogba, waxaana ka barbar ciyaarayay Kolo Toure, Emmanuel Eboue iyo Didier Zokora, kuwaasoo dhammaantood ka ciyaarayay horyaalka Ingiriiska.

Yaya Toure, oo markaas ka tirsanaa kooxda Olympiakos ee ka dhisan dalka Giriigga ayaa isagana ka mid ahaa kooxda. Xulkan wuxuu ahaa midka loogu xiisaha badan yahay, looguna jecel yahay guud ahana qaaradda Afrika.

Inkastoo labo jeer ay kasoo guuleysatay Cameroon intii ay socdeen kulamada isreebreebka, wali waxay lahaayeen rajo galabtaas ay la ciyaarayeen kooxda Suudaan.

Laakiin, iyadoo kooxdan ay qarka u saarnaayeen inay taariikh cusub ka sameeyaan caalamka, haddana dalkooda hooyo wuxuu ku dhex jiray mugdi. Dagaal sokeeye oo ka billowday sanadkii 2002-dii ayaa kala qeybiyay waddanka oo idil. Dowladdii uu hoggaaminayay madaxweyne Laurent Gbagbo waxay ka talineysay dhinaca koonfureed halka koox fallaago ahna ay maamuleysay dhinaca waqooyi.

Dagaalka wuxuu qarxay 19-kii bishii September, 2002, kaddib markii ay fallaagada weerareen dhowr magaalo oo ka tirsan dalka.

Sebastien Gnahore, oo horay u ahaa ciyaaryahan kubadda cagta ah, kana qaxay Ivory Coast, ayaa dib usoo xasuusanaya waqtiyadaas.

“Waxay ahayd xaalad xun. Markii aan wacay walaashey waxaan maqlayay qeylada ka socotay bannaanka guriga ay ku jirtay,” ayuu yiri. “Dhammaantod waxay ku dhuumanayeen sariirta hoosteeda muddo afar maalmood ah, waxayna usoo baxayeen oo kaliya si ay wax u cunaan.

“Waxa kaliya oo aan ka fikirayay wuxuu ahaa in qoyskeygu ay badbaadi doonaan. Walwalkaas ayaana igu jiray subax walba.”

Dagaalku wuxuu markii hore ahaa fool-ka-fool laakiin durba waxay labada dhinac kala qabsadeen koonfurta iyo waqooyiga.

Dagaalka intiisa badan wuxuu istaagay sanadkii 2004-tii, laakiin xiisadda ayaa mar kale dib usoo cusboonaatay sanadkii 2005-tii.

Mustaqbalka waddankaas ku yaalla Galbeedka Qaaradda Afrika wuxuu sii galayay mugdi.

Ciyaartoyda xilligan casriga ah waxay u muuqdaan kuwo aad uga fog nolosha dadka kale ee caadiga ah. Waxaa soo gasha lacag aad u fara badan. Laakiin ciyaartoyda xulka Ivory Coast ee galabtaas ciyaarayay, inkastoo ay nolol malaayiin doolar ah ku heystaan qaaradda Yurub, waxay niyadda ku hayeen in wax weyn laga filayay.

Mas’uuliyaddaasna qeybteeda ugu culus waxay saarneyd ninka kooxdan hoggaaminayay, oo wax badan laga filanayay.

Didier Drogba in Ivory Coast trainingLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionDrogba wuxuu bishii July ee sanadkii 2004-tii ku biiray kooxda Chelsea, taasoo ku iibsatay £24m oo markaas ahayd lacagtii ugu badneyd abid ee UK lagu iibsaday weeraryahan

Didier Drogba wuxuu kooxda Chelsea ee ka tirsan Horyaalka Ingiriiska ku biiray sanadkii 2004. Waxaa lagu soo warramay in lagu iibsaday £24milyan oo gini, taasoo xilligaas ahayd lacagtii ugu badneyd abid ee UK gudaheeda lagu iibsado weraryahan.

Muddadii sagaalka sano ahayd ee uu ka ciyaarayay Horyalaka Ingiriiska wuxuu sameeyay waxyaabo taariikhi ah. Taageer ama ha taageerin laakiin howshii uu ka qabtay galbeedka London waxay ahayd mid aan su’aal la galin karin.

Wuxuu ku guuleystay afar koob oo Horyaalka Ingiriiska ah, Afar koob oo FA ah saddex koob oo League ah iyo hal koob oo Champions League ah.

Arsene Wenger, oo kooxda uu tababaraha u ahaa ee Arsenal ay mar walba caqabad weyn kala kulmi jirtay qaab ciyaareedka Drogba, ayaa mar uu ka yadlayay yiri: “Waa nin guuleyste ah, sidaas ayuuna ahaan doonaa inta uu nool yahay.”

Drogba wuxuu ahaa nin mar kasta guusha daris la ah, laakiin runtii xaaladdu sidaas wey ka duwaneyd galabtii uu bishii October, 2005 la ciyaarayay xulka Suudaan.

.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionDrogba wuxuu hoggaaminayay kooxdii Ivory Coast ee lagu naaneysay ‘jiilka dahabiga ah’

Ciyaarta xulka Cameroon ay la yeelanayeen Masar, oo ka dhaceysay magaalada Yaounde iyo kulankii dhex marayay Ivory Coast iyo Suudaan waxay billowdeen isku hal waqti. Maadaama Ivory Coast ay ogeyd in aysan anfaceynin wax aan guul ahayn, waxay culeys aad u weyn saareen Suudaan, oo group-ka markaas uga jirtay kaalinta labaad ee dhinaca hoose.

Daqiiqaddii 73-aad, Aruna Dindane ayaa dhaliyay goolkiisii labaad, ahaana goolkii saddexaad ee kooxdiisa. Way iska caddeyd in Ivory Coast ay halkaas guul ka qaadaneysay. Laakiin guushooda kaddib wali wax kasta waxay ku xirnaayeen ciyaarta kale. Magaalada Yaounde, oo qiyaastii 1,600 oo meyl u jirta halkaas ayey ciyaarta kale ka socotay, xaaladduna waxay ahayd mid aad uga duwan sidan.

Cameroon ayaa hoggaanka ku qabatay gool ay dhalisay daqiiqaddii 20-aad, laakiin ciyaartu waxay ahayd mid adag. Gool uu daqiiqaddii 79-aad Masar u dhaliyay ciyaartoygooda Mohammed Shawky, oo ciyaarta ka dhigay barbarro, waxayna taasi dan ugu jirtay Ivory Coast. Marka la isku daro barbarro kasoo baxda kulankaas iyo guusha ay ka gaareen Suudaan waxay u suurtagalineysay inay usoo baxaan Koobka Adduunka.

Ciyaartii Ivory Coast iyo Suudaan way dhammaatay. Drogba, oo ay ku hareereysnaayeen ciyaartoyda kale ee kooxdiisa ayaa ka dhur sugayay sida ay ku idlaato ciyaarta kale, oo markaas ahayd sidii ay rabeen, 1-1. Iyagoo raadiyaha dhagta u taagaya ayuu mar qura yeeray war naxdin leh – kaasoo ah in kooxda Cameroon ay gool u laad(rigoore) heleen daqiiqadihii ugu dambeeyay ee waqtigii dheeriga ahaa ee lagu daray ciyaarta.

Naxdin kasta waxay leedahay dhinac farxad noqon kara. Gool ku laadkii oo loo dhiibay Pierre Wome, markii uu tuuray waxay kubadda ku dhacday birta dhinaca bidix wayna kasii boodday oo waxay u baxday dibadda. Ciyaartoydii reer Cameroon oo sugayay natiijada gool ku laadkaas way wada niyad jabeen, qarkoodna waxay indhaha ku qarsadeen funaanadahooda.

Dhinaca kale ee qaaradda, Ivory Coast way gilgilatay. Waxay ogaadeen inay markii ugu horreysay taariikhdooda ka qeyb gali doonaan tartanka ugu sarreeya ee ciyaaraha caalamiga ah.

“Waddanka oo idil – qof walba, guri walba – waxaa hareysay farxad. Maalintaas waxaan dhammanateen illownay in dalka uu kala qeybsanaa wali,” ayuu yiri Hassane Omar, oo ahaa 20 jir arday ah oo xilligaas ku sugnaa magaalada Abidjan.

Intaas kuma aysan ekeyn arrinta. Waxaas oo dhan arrin ka duwan ayaa ka dhacday qolka labiska ee garoonka ay ku ciyaarayeen Ivory Coast iyo Suudaan. Duco ka dambeysay ciyaarta oo uu hoggaaminayay Drogba ayaa isu badashay wax kale oo aad uga duwan duco caadi ah.

Iyadoo waddanka oo idil ay ka socdeen dabaaldagyo, kaamiro toos ah oo uu telefishin ku yaalla Ivory Coast leeyahay ayaa lasoo galiyay qolkii labiska.

Ciyaartoydii xulka ee guuleystay ayaa kaamirada horteeda wada yimid, iyagoo dhammaantood garbaha is wada heysta. Makarafoonka waxaa gacanta ku hayay weeraryahanka kooxda Chelsea.

.Lahaanshaha sawirkaSPORTS PREMIERE
Image caption‘Fadlan iska dhiga hubka oo doorasho hala qabto,’ ayuu ku baaqay Drogba

“Waxaan la hadlayaa ragga iyo dumarka reer Ivory Coast,” ayuu ku billaabay khudbadiisa. “Dhammaan dadka kasoo kala jeeda waqooyiga, koonfurta, bartamaha iyo galbeedka, maanta waxaan caddeynay in dadka reer Ivory Coast oo idil ay si wada jir ah u wadaagi karaan hal ujeeddo – oo ah inaan u gudubno tartanka Ciyaaraha Koobka Adduunka.”

“Waxaan idiin ballan qaadnay in dabaaldagyadu ay mideyn doonaan dadka – maanta waxaan idin baryeynaa annagoo jilbaha ku dhulka dhignay.” Ciyaartoydii oo saf ku jira ayaa islamarkiiba jilbaha dhulka dhigtay.

“Dalka kaliya ee ugu qanisan Afrika ma aha inuu dagaal ku baaba’o. Fadlan hubka iska dhiga oo doorasho qabsada,” ayuu yiri Drogba oo u baaqayay shacabka dalkiisa.

Muuqaalkan wuxuu ku jiraa barta Youtube-ka.

“Waxaan rabnaa inaan farxad wadaagno, marka fadlan joojiya xabadda aad rideysaan,” ayey si wadajir ah u dhaheen ciyaartoyda. Islamarkiiba waxaa billowday xaflado ka dhacayay dalkooda. Waxaa lagu soo warramay in dad badan ay tageen safaaradda Masar ee Ivory Coast, halkaasoo ay ku miijinayeen mahadcelinta ku saabsan barbarraha ay la galeen xulka Cameroon. Xitaa caasimadda fallaagada ee Bouake, waxay habeenkaas ku biirtay dabaaldagyada.

Warbaahinta ayaa si weyn u shaacisay muuqaalka Drogba iyo kooxdiisa, si cid walba uu u gaaro.

Drogba oo kasoo dagaya diyaaraddii xulka guuleystay looga soo qaaday Suudaan ee dalkooda lagu geeyayLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionDrogba oo kasoo dagaya diyaaraddii xulka guuleystay looga soo qaaday Suudaan ee lagu geeyay dalkooda Ivory Coast

Iyadoo qoraa kasta oo ka tirsan shirkadda filimada ee Hollywood uu ku qanci lahaa filim ku dhammaada intan, sheekadu wali fari kama qodneyn.

Markii uu billowday tartankii Koobka Adduunka ee 2006, Ivory Coast waxaa lagu bixiyay heerka group-yada kaddib markii ay ku guul darreysteen kulamadii ay la yeesheen xulalka Argentina iyo Netherlands, inkastoo ay iyaguna garaaceen xulka Serbia & Montenegro. Xaqiiqdii waxay ahayd natiijo lagu qanci karo, oo uu keeno waddan markii ugu horreysay ka qeyb galay tartankaas caalamiga ah.

Sanadkii xigay, Drogba wuxuu ku dhawaaqay arrin qeyrul caadi ah, xilligaasoo uu booqasho ku marayay deegaannada ay fallaagada gacanta ku hayeen ee uu isaguna kasoo jeedo, kaddib markii uu ku guuleystay abaalmarinta Ciyaaryahanka ugu wanaagsan Qaaradda Afrika.

Ciyaar ay Ivory Coast ku marti galin lahayd xulka qaranka Madagascar, oo lagu waday inay 3-dii June, 2007-dii ka dhacdo magaalada Abidjan, oo ah dhulka ay dowladda gacanta ku heysay, ayuu sheegay inay ka dhici doonto magaalada Bouake, oo ahayd caafimadda Fallaagada.

Arrin noocaas oo kale ah xitaa laguma fikiri karin labo sano xilligaas ka hor. Ilaa hadda lama oga in tallaabadaas uu Drogba fasax u siiyay madaxweynaha iyo in kale.

Wuxuu ahaa nin meel kasta oo dalkiisa ka mid ah laga qaddariyo, ha ahaato dhinaca ay dowladdu maamusho ama dhinaca fallaagada labadaba.

“Xilligaas waxaa dalka looga aaminsanaa inuu yahay nin qaran,” ayuu yiri Austin Merril, oo ah wariye markaas ku sugnaa Ivory Coast oo ka shaqeynayay majalladda Vanity Fair.

Magaaladii uu Drogba dalbaday ayaa lagu qabtay ciyaartii, waxaana garoonka ammaankiisa sugayay ciidamo aad u badan oo milatai ah.

“Waxay arrintu u muuqatay wax ka weyn ciyaar kubadda cagta ah,” ayuu yiri Omar, oo dib usoo xasuusanayay dhacdadaas oo uu ka daawanayay Telefishinka, isagoo ku sugnaa magaalada Abidjan. “Qof walba wuxuu shaqadiisa joojiyay 12-kii duhurnimo, waxaana la wada cabayay khamri, iyadoo farxad aad u weyn la dareemayo.”

.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionCiyaarta ayaa ku dhammaatay si cajiib ah, kaddib markii uu Drogba dhaliyay goolkii shanaad ee xulkiisa, halka xulka Madagascar uusan wax gool ah ka dhalinin kulankaas

Markii garoonka lagu jiray, xiisaha ciyaarta wuxuu si fiican u billowday markii Salomon Kalou uu goolkii ugu horreeyay ee Ivory Coast shabaqa ku hubsaday daqiiqaddii 18-aad. Goolashu way iska sii socdeen. Waqtiga ciyaarta oo ay ka harsanaayeen shan daqiiqo oo kaliya, oo xulka Ivory Coast uu ku gacan sarreeyo 4-0, ayuu garoonka oo dhan hal mar gariiray markii uu dhacay wax uu qof walba jeclaa inuu dhaco. Kubbad ka timid khadka dhexe oo lasoo daba mariyay difaaca kooxda Madagascar ayaa lugta u gashay Didier Drogba. Si qurux badan ayuu u ceshaday kubadda, taabashadii labaadna wuxuu u gooyay gool hayihii, kaddibna shabaq maran ayuu kubaddii dhex dhigay. Qeyladii yeertay waxay dabooshay cod kasta oo garoonka ka baxayay.

Markii ay ciyaarta dhammaatay ayey taageerayaashii gudaha usoo wada galeen garoonka, iyagoo doonaya inay wada dhunkadaan ciyaartoyda, ciidamadii ilaaladuna waxay isku gadaameen ciyaartoyda si ay u ilaaliyaan, gaar ahaanna waxay ilaalinayeen Drogba.

Waddanka ayaa halkaas kasii waday dabaaldagyadii aan kala joogsiga lahayn, taasina waxay noqotay taariikh kale.

Dhacadaas ayaa u muuqatay mid mar kale dib u mideysay waddanka Ivory Coast.

Arrinta kale ee xusidda mudan waxay ahayd in ciyaartoyda xulka qaranka ay kala ahaayeen kuwo isku dhaf ah oo kasoo kala jeeday dhinacyada dalka ee ay ka kala taliyaan dowladda iyo fallaagada.

Hase ahaatee, wanaaggi badnaa ee ka dhashay labadii ciyaarood ee 2005-tii iyo 2007-dii waxaa xigay waqti murugo badan, oo soo afjaray xasuustii wacneyd.

Shan sano uun kaddib, waxaa billowday qalalaase ka dhashay doorasho lagu murmay, kaasoo sababay inay dhintaan 3,000 oo ruux.

Madaxweyne Gbagbo ayaa ugu dambeyn la xiray waxaana la horgeeyay maxkamadda caalamiga ah ee ICC, taasoo kusoo oogtay dacwad dambiyo dagaal ah.

Bishii January ee sanadkii 2019-kii, waxaa laga bari yeelay dhammaan dacwadihii loo heystay. Hadda oo hal sano laga joogo xilligaas wali wuxuu ku xiran yahay waddanka Belgium, iyadoo la sugayo natiijada racfaan ay xukunka lagu bariyeelay ka qaadatay dowladda Ivory Coast.

Xulka Ivory Coast ee lagu naaneysay ‘jiilka dahabiga ah’ waligood uma suurtagalin inay rumeeyaan riyadooda. Labo jeer ayey gool ku laad ku guul darreysteen ciyaarihii fiinaalka koobka Qaramada Afrika ee dhacay sanadihii 2006-dii iyo 2012-kii.

Drogba wuxuu ciyaaraha ka fariistay sanadkii 2018-kii kaddib markii uu guulo badan kasoo hoyiyay horyaallada lix waddan oo uu ka ciyaaray, taasoo uu ku noqday mid ka mid ah dadka ciyaaraha aadka loogu qaddariyo ee Qaaradda Afrika.

About Author