Post View....

Qarax Magaalada Gaalkacyo lagu eegtay sarkaal ka tirsan wasaaradda maaliyadda Puntland.

0
69

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in qarax lagula eegtay mas’uul ka tirsan waaxda canshuuraha ee wasaaradda maaliyadda maamulka Puntland.

Qaraxa oo ahaa mid gaarigiisa loogu xiray sarkaalkaas ayaa ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo, waxaana kasoo gaaray dhaawac culus oo hadda lagu dabiibayo isbitaalka weyn ee magaalada Gaalkacyo.

Sarkaalkaas ka tirsanaa wasaarada maamilyadda Puntland ee qaraxa lagu dhaawacay ayaa magaciisa lagu soo koobay Cabdi Gube, waxuuna ka tirsanaa waaxda canshuuraha.

Shanka kale ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas gaarigiisa loogu xiray sarkaalkaas ka tirsanaa maamulka Puntland, balse ururka Al-Shabaab ayaa inta badan sheegtay qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee ka dhaca magaalada Gaalkacyo.

About Author