Post View....

Baarlamaankii Hore oo dib u habeyn lagu sameybaayo

0
65

Buddi Barkaanle Duuliye {Ex-Baarlamaan} oo Dib u Habeyn lagu Samaynayo!

Hawl isugu jirta Dayactir iyo Qurxin ayaa maanta lagu billaabay dhismaha xaruntii taariikhiga aheyd ee loo yaqaanno Ex Baarlamaan ee Degmada Boondheere, halkaasi oo dadka qaarkood ay u yaqaanaan inay tahay #Buddi_Barkaanle_Duuliye!

Ujeedka loo habeynayo xaruntaasi ayaa salka ku haysa sidii bulshada ku dhaqan G/Banaadir ay ugu soo #Dalxiis tagi lahaayeen, isla markaana ay uga bogan lahaayeen taariikhda #Faca_weyn oo ay xambaarsan tahay goobtaasi oo ah fadhigga Barlamaankii ugu horeeyay ee ay yeelato Jamhuuriyda Soomaaliya ee sannadkii 1960.

Duqa Muqdisho oo ay la socdaan Masuuliyiin kale ayaa maanta xaruntaasi Dhagax dhigay, horey ayaa Maamulkii Shiikh Yuusuf Madaale waxay xaruntaasi ku sameeyeen dayactir kooban!

Shirib horey u baxay oo Taariikhda galay ayaa jira, kaasi oo dhahayo “Buddi Barkaanle Duuliyeey waa Baarlamaankii leeyihiin”
#Allow_Banaadir_Barakeey!

About Author