Post View....

Nin dooran oo maanta lagu dooran doono Baydhabo & Ciidanka Madaxtooyada oo la wareegay amniga Fiqi

0
57

Waxaa maanta lagu wadaa in Magaalada Baydhabo ay ka dhacdo Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed, oo shan xubnood ay u sharaxan yihiin.

Shantan musharax ayaa waxay kala yihiin Xildhibaan Cali Saciid Fiqi iyo Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan, oo u sharaxan jegada Gudoomiyaha Baarlamaanka, iyadoo Xildhibaanad Aamina Isaaq Maxamed iyo Xildhibaan Maxamed Nuur Maxamed u taagan yihiin jegada Gudoomiye Kuxigeenka 1aad, halka Xildhibaanad Shamso Maxamed Yarow ay u taagan tahay jegada Gudoomiye Kuxigeenka 2aad.

Xildhibaan Cali Saciid Fiqi ayaa ugu cadcad kursiga Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, iyadoona la aaminsan yahay inay wadato Dowladda Federaalka.

Saciid Saciid Fiqi ayaa dhawaan iska casilay Danjirihii Somaliya ee Ururka Midowga Yurub, waxaana 19-kii bishii March lagu dhex arkay liiska Xildhibaanada Baarlamaanka Labaad ee Koonfur Galbeed.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxda Dowladda Federaalka ay ku qanciyeen in uu isaga soo taggo Magaalada Brussels ee Xarunta Belgium-ka, isla-markaana uu ka mid noqdo Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed, si uu ugu tartamo, uguna fariismo kursiga ugu sareeya ee Baarlamaanka.

Ninkan ayaa maalintii Axada si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Shaati-gaduud ee Magaalada Baydhabo, ka dib markii uu ka tagey Magaalada Muqdisho.

Talaadadii shalay ayuu khudbadda waxa uu qaban doono uu ka hor jeediyay Xildhibaaadana Baarlamaanka Labaad ee Koonfur Galbeed, waxaana khudbadiisii laga dhadhansan karay kalsooni badan, oo uu ku qabo in doorashada maanta uu ku soo bixi doono.

Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed iyo Xildhibaanada Baarlamaanka qaarkood ayaaba Danjire Fiqi ugu sii hambalyeeyay guushan.

Xildhibaanada wax dooraneysa ayaa 19-kii bishii hore ee March looga dhawaaqay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

 

About Author