Post View....

Ciidamada Dowladda oo ka hortegay Qarax lala damacsanaa Taliyaha Milateriga oo loo adeegsan lahaa Lo’ lagu soo xiray waxyaabaha qarxa

0
61

War kasoo baxey taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka dowladda ay ka hortageen qaraxyo ay Al-Shabaab kusoo xireen laba Neef oo lo’ ah,kuwaas oo ay ku fashiliyeen deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa sheegay inay ka warheleen xogta qaraxyada ay Al-Shabaab kusoo xireen Lo’da,sidaasina ay uga hortageen,hayeeshee uusan sheegin in howlgalkaas ay dad ku qabteen.

Deegaanka Janaale ayaa waxaa dhawaan Al-Shabaab kala wareegay Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda soomaaliya,waxaana xilligaas wixii ka dambeeyey ay wadeen howlgallo kala duwan.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa ku sugan deegaanka Janaale labadii maalmood ee la soo dhaafay,iyada oo dhaaq dhaqaaqyo Ciidan laga dareemayey inta u dhaxeysa deegaanka Janeele iyo degmada Kuntuwaareey oo ay ku sugan yihiin Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

 

About Author