Post View....

Madaxweynaha Galmudug oo gaaray deegaanada Huurshe iyo Xeraale ee Gobolka Galgaduud.

0
85

jeedka Safarka Madaxweynaha dowlad Goboleedka  Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor ) uu ku tagay Huurshe iyo Xeeraale ayaa ku qotoma sidii loo dhameystiri lahaa heshiiskii kal hore uu Ra’iisul Wasaaraha Dalka Xasan Cali Kheyre kala dhex dhigay Odayaasha dhaqan deegaanada Xeraale iyo Huurshe.

Sida qorshaha yahay inta  Madaxweynaha Galmudug uu  ku sugan yahay Xeeraale waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa qeybaha kala duwan ee Bulshada halkaas ku dhaqan, isagoo kala hadli doona xaaladda guud ee deegaanka.

Dhinaca kale Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa uu booqan doonaa deegaano dhowr ah oo ku yaalla Waqooyiga Galgaduud, isagoo halkaas kula kumi doona Bulshada ku dhaqan.

About Author