Post View....

Galmudug Oo Loo Gacan-Geliyey Dad Loo Karan-Tiilay Fayruska Corona+Magacyada dadkasi

0
67

Guddiga ka hortaga faafitaanka Coronavirus ee Puntland ayaa ku dhawaaqay  in ay Galmudug ku wareejiyeen todoba qof oo si ku meelgaar ah loogu karan-tiilay magaalada Garowe.

Shaqsiyaadkaas ayaa kamid ahaa toban qof oo kasoo gudbay xadka Somaliland. Saddex kale waxaa la sheegay in ay Garowe ku dhameysan doonan muddo huuriska xanuunka.

Sidda ku xusan qoraalka kasoo baxay guddiga, todobada qof (ayaa maamulka uu hogaamiyo Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] lagu wareejiyay 1-dii bishaan April, sanadka 2020.

Dhanka kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu caddeeyay in degaanada Puntland uusan ka jirin kiis la xiriira cudurkaas. Si lamid ah, waxay sheegeen in aysan shalay diiwaan-gelin kiisas cusub.

Shacabka Puntland ayay cod dheer ugu booriyeen in ay u hogaan-samaan dhamaan amarada kasoo baxay xukuumadda ee lagu xakameynayo fayruskaas safmareenka ah.

Sidoo kale, waxay dadweynaha ku sugan gudaha waddanka iyo dibaddiisa ku tartarsiiyeen in ay ka qeyb-qaataan Sanduuqa Taakulada iyo Ololaha ka hortaga Covid-19.

Warbixinta kasoo baxday guddiga ayaa qeyb ka ah howlaha maalinlaha ah oo ay qabanayaan illaa iyo dunida oo dhan laga ciribtirayo Coronavirus oo dunida oo dhan ku galaaftey in ka badan 40-kun oo ruux.

Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, wasiirka arrimaha gudaha Puntland, ayaa akhriyey warbixinta guddiga.

 

About Author