Post View....

DFS Oo Cambaareysay Gantaaladda Xuutiyiinta Ee Magaalooyinka Riyadh Iyo Jizan

0
61

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si kulul u cambaaraynaysaa maleeshiyooyinka Xuutiyiinta Yemen ee gantaalada balaastikada ku riday magaalooyinka Riyadh iyo Jizan ee Boqortooyada aanu walaalaha nahay ee Sacuudi Carabiya gelinkii dambe ee Sabtida oo ku beegnayd 28 Maarso , 2020 , waxa ayna u aragtaa xadgudub qaawan iyo hanjabaad ka dhan ah deganaanshaha gobolka iyo iska-dhega-tirid geedi socodka nabadda.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay caddaynaysaa in ay ku garab taagan tahay Boqortooyada kahortagidda cid waliba oo wiiqaysa amnigeeda Qaran, waxa ayna adkeynaysaa mowqifkeeda adag ee taageeraya tubta Riyadh ee xalinta dhibaatooyinka siyaasadeed ee Yemen.

Dowladda somalia ayaa tageero weyn uu mujisay Xukumada Riyadh ayadoo qoraalka ku sheegtay in ay ka xuntahay wararkaasi sacudiga iyo Xuutiyiinta Yemen  ayaa waxaa ka dhaxeya dagaal aad uu xogan ayadoo diyaaraha dalka sacuudiga ay marar badan duqeymo ku fuliyeen saldhigyada kooxahasi

About Author