Post View....

DHAGEYSO: Taliska Ciidanka Xooga Oo Sheegay Inay Dileen Xubno Ka Tirsan Al-Shabaab

0
63

Taliyaha qeybta 27aad ee Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed Janeraal Axmed Maxamed Calasow (Tareedisho) ayaa faah faahin ka bixiyey xaalada amaan ee deegaannada Hir-Shabeelle iyo howlgalladii ugu dambeeyey oo ay ka fuliyeen deegaannada maamulkaas.

Taliyaha waxaa uu sheegay in dhawaan ay fuliyeen howlgallo dhowr ah oo ay kula wareegeen deegaano ay ku sugnaayeen Al-Shabaab,sidoo kale ay dileen Xubno sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku darey Taliyaha in ay howlgallada ka fuliyeen 18 tuulo oo ay ka jireen xaalad amni darro o ay kamid yihiin,Ceel-Cali,agagaarka Buulo,Burde,degmada Maxaas,Deegaanka Xaaji Cali iyo wadada xiriirisa Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad oo dhowr mar ay weeraro ka dhaceen.

Ugu dambeyn Taliyaha waxaa uu sheegay in Ciidamada xoogga dalka qeybta 27aad ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab oo ay ka fulinayaan dhamaan degmooyinka iyo deegaannada Hir-Shabeelle.

 

About Author