Post View....

DHAGEYSO: Puntland Oo Shaacisey Dad Uusan Saameyn Doonin Bandowga

0
63

Iyada oo xalay uu sirasmi ah uu guud ahaan deegaannada Puntland uga dhaqan galay bandowga ayaa Maamulka Puntland waxaa uu shaaciyey dad uusan saameyn doonin Bandowga.

Puntland ayaa Bandowga waxaa ay uga hortageysaa Cudurka COVID 19 oo kiisas kamid ah laag helay Soomaaliya in kastoo deegaannada Puntland aan laga helin cudurkaas.

Taliyaha Ciidamada Booliska Maamulka Puntland Janeraal Muxudiin Axmed Muuse oo Warabahinta kula hadley Garoowe ayaa sheegay in bandowga ay soo rogeen uu ka dhaqan galay deegaannada Puntland.

Waxaa uu sheegay in Bandowga ay soo rogeen uusan saameyn doonin,gawaarida sida Badeecadaha iyo Daawooyinka,Wariyeyaasha iyo mas’uuliyiinta ka tirsan Maamulka.

Puntland ayaa Ciidamo farabadan waxaa ay dhigtay wadooyinka waaweyn ee Magaalooyinka Maamulkaas,waxaana bandowga uu yahay mid habeen walba bilaabanaya 6:00 Maqribnimo uuna ku eg yahay 5:00 Subaxnimo.

 

About Author