Post View....

DEG DEG:Qof looga shakisan-yahay Coronavirus oo lagu karantiilay Boorama

0
51

Warar aanu hadda helayno ayaa sheegaya in magaalada Boorama ee gobolka Awdal lagu Karantiilay Qof looga shakisan-yahay cudurka dunida ku faafay ee Coronavirus, iyadoo ay xalay shaacisay Xukuumada Somaliland in Labo kiis laga helay magaalooyinka Berbera iyo Burco.

Qofkan looga shakisan-yahay ayaa lagu Karantiilay goob loogu talo-galay, iyadoona la filayo in saacadaha soo socda laga qaado dheecaankiisa si loo xaqiijiyo in uu qabo caabuqa Coronavirus oo cabsidiisu si weyn uga taagantahay deegaanada Somaliland.

DEG DEG: Qof looga shakisan-yahay Coronavirus oo lagu karantiilay Boorama

Halkan qof ee la karantiilay ayaa ahaa Dirawalka gaadhi dhawaan Dad rakaab ah geeyay xuduuda Somaliland iyo Jabuuti ee Lowya-cado, sida uu Caasimada Online u xaqiijiyey Mas’uul ka tirsan gobolka Awdal.

Shaqsigan la karantiilay oo aysan hadda ka muuqan wax calaamado ah ayaa muddo Labo iyo toban maalmood ah u kala gooshayey Xuduudaha Lowya-cado iyo Wajaale ee ay Somaliland la wadaagto dalalka Jabuuti iyo Itoobiya.

Caasimada Online ayaa hore u baahisay Xog ay ku xustay in bulshada gobolka Awdal, gaar ahaan magaalada Boorama ay khatar ugu sugan-yihiin fayruska Corona, maadama xog aan helnay ay tibaaxeysay in Dad qaba cudurkaasi ay magaalada usii dhaafeen dalka Jabuuti.

About Author