Post View....

Covid-19: Turkiga oo laga soo wariyay dhimasho iyo Kiisas cusub.

0
64

Dowladda Turkiga ayaa xaqiijisay in ay kordheen tirada dhimashada iyo Kiisaska dadka uu soo ridanayo Xanuunka Coronavirus gudaha dalkaasi.

Wasiirka Caafimaadka Turkiga, Fahrediin Kooja waxa uu xaqiijiyey in ay Tirada dhimashada oo horey u ahayd 76 qof ay haatan gaartay 501 qof.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka waxa kale oo ku xaqiijiyey in Kiisaska cusub ee shalay laga helay dalkaasi ay gaartay 23,934 qof, halkii ay horey ka ahaayeenin ka badan 3,000 oo qof.

Dhinaca kale, Wasiirka Caafimaadka ee dalkaasi, Fahrediin Kooja waxa uu tilmaamay in 24-kii saacadood ee la soo dhaafay la qaaday 19,664 baaritaan, iyadoo tirada guud ee Baaritaanada la qaaday ay gaarayso 161,380 qof.

Xanuunkaan oo dabayaaqadii bishii December ee sanadkii hore ka dilaacay magaalladda Wuhan ee Bartamaha Shiinaha waxa uu ku sii faafay ugu yaraan 181 Waddan, iyadoo ay in ka badan 62,300 qof ay u geeriyootay, halka ay in ka badan 1.1 milyan oo qof qaadeen  xanuunka.

In ka badan 237,400 oo qof ayaana ka soo caafimaaday cuddurkaasi sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay’ada Caafimaadka Aduunka ee loo soo gaabiyo WHO.

 

About Author