Post View....

Covid-19: Tirada dhimashada ee Mareykanka, Spain iyo UK oo korortay 24 saac ee la soo dhaafay.

0
63

Dowladdaha Spain, Boqortooyada Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa dhamaantood soo sheegay tirada ugu badan ee dhimashada oo hal maalin tan iyo markii xanuunka ka soo billowday sanadkii hore dalweynaha Shiinaha

Dowladda Mareykanka ayaa diiwaangeliyay arbacadii dhimashada 884 qof, sida lagu sheegay xog aruurinta Jaamacadda Johns Hopkins, waxa kale oo ay xaqiijisay in ka badan 213,000 kiis oo ah Xanuunka Covid-19.

Boqortooyada Ingiriiska, ayaa diiwaan galisay arbacadii in ka badan 563 qof oo dhimasho ah, taas oo Ra’iisul wasaare Boris Johnson ku tilmaamay “maalin murugo leh”.

Dalka Spain, ayaa xaqiijiyay 864 qof oo dhimasho ah 24 saac ee la soo dhaafay.

Guud ahaan Caalamka, qiyaastii 933,000 ayaa laga helay Xanuunka, 193,000  qof ayaa ka soo kabsaday xanuunka. Ku dhawaad ​​47,000 oo qof ayaa u dhinta cudurka Coronavirus, oo asal ahaan ka soo jeeda Shiinaha waxa uuna soo bilaawday sanadkii tagay ee 2019.

Machadka Jarmalka ee Robert Koch ayaa sheegay in tirada kiisaska cudurka coronavirus ee la xaqiijiyay gudaha dalkaasi uu gaaray 73,522 halka 872 qof ay u dhinteen cudurka.

Kiisaska ayaa kor u kacay 6,156 marka loo eego talaadadii halka tirada dhimashada ay kor u kacday 140 qof hal maalin oo kaliya.

 

About Author