Covid-19 waxuu saamayn ku yeeshay dhammaan dhinacyada nolosha bulshada, dhaqaalaha, iyo nabadgelyada. Dhaqaatiirta waxay si isdaba joog ah u bixinayaan talooyin caafimaad, halka ay madaxda dowladuhana u soo saarayaan amarro lagu xaqiijinayo fulinta talooyinka dhaqaatiirta.
Dhanka kale, dhaqaaleyahannada dunida waxay saadaalinayaan in Covid-19 uu burburin doono dhaqaalaha adduunka. Taasoo ka dhigan in hoos u dhaca dhaqaalaha dunida la mid noqon doono ama ka hoos mari karo halkii uu gaaray dhaqaalaha dunida markii uu dhacay dagaalkii 2aad ee adduunka.
Waxaa istaagay socotadii adeegsan jirtay gaadiidka hawada iyo badda, waxaa aad loo adkeeyay isu socodkii dadka ee xudduudaha dhulka ka tallaabi jiray, waxaa sidoo kale, hakad la geliyay kulammada dadweynaha, iyo shirarka fool ka foolka ah.
Maraykanka, Shiinaha, Talyaaniga, Faransiiska, Spain, Koonfur Kuuriya, iyo dalal kale ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah, waxayna howlgeliyeen ciidamada, si ay gacan uga geystaan xakamaynta faafidda Covid-19.
Madaxweynaha Faransiiska ayaa yiri “Waxaan ku jirnaa dagaal aan rasaas la isku ridaynin”. Jarmalka ayaa xiray xudduudda uu la leeyahay Fransiiska, isagoo hakiyay heshiiskii dhaqdhaqaaqa ee ka dhaxeyay 25-ka sanadood.
Dhanka kale, waxaa la saadaalinayaa in Covid-19 galaafan doono nolosha 200,000 oo Ameerikaan ah. Madaxweyne Trump oo bil ka hor saadaalinaayey inay dhici doonto mucjiso horseedi doonta inuu caabuqa ka dhammaan doono dalkiisa muddo gaaban, ayaa hadda u dhegannuglaaday warbixinnadda daryeeleyaasha caafimaadka, halka labada dhaqtar oo u xilsaaran caabuqa ay yiraahdeen waxay u halgamaayaan inaysan geeridu ka badan 240,000 ruux (New Yorl Times, 1/4/2020).
Su’aasha waxay tahay Soomaaliya ma u diyaarsan tahay ka hortaga Covid-19?
Soomaaliya waa dal ka soo kabanaya dagaal ay muddo dheer ku jireen dadkeeda. Waxaa burbur lixaad leh soo gaaray adeeggi caafimaadka ee dalka, waxaa intaas dheer in deegaannada qaar ay lamaggalaan ka dhigeen kooxo xagjir ah, halka deegaanno kale ay ka taliyaan maammullo aan xiriir wadashaqayn ka dhaxayn xukuumadda dhexe.
Dhammaan caqabadahaas waxay horseedayaan inaysan wada hirgelin talooyinka ay bixinayaan saraakiisha caafimaadka, iyo awaamiirta dowladda dhexe oo looga hortagayo faafidda Covid-19.
Waxaa jira hoggaamiyeyaal aan la dooran, kuwaasoo saamayn togan iyo mid taban ku leh bulshada. Waxaa ka mid ah culamada diinta, cuqaasha beelaha, iyo warbaahinta.
Waxaa xaqiiqo ah in haddii hoggaamiyaashan aysan la jaanqaadin arrimaha taagan, ay dowladda ku adkaan doonto ka badbaadinta dalka aafada Covid-19.
Gudoomiyaha Jaamacada RAf International University, Kenya, Dr. Maxamed Sheikh Cusmaan ayaa yiri “waa in talooyinka dhaqaatiirta la qaataa si looga hortago fiditaanka, iyo ka hortagga caabuqa CoronaVirus” , waxuuna xusay inay lama huraan tahay in la xiro masaajidyada, si looga hortago faafitaanka Covid-19. Taas oo ka horimanaysa aragtida ay qabaan qaar ka mid ah culamada, iyo imaammada masaajidyada, kuwaas oo aan oggolayn in la xiro masaajidyada (VOA News – 21/03/ 2020).
Wasaaradda Arrimaha Diinta ee Maamul-Goboleedka Puntland ayaa soo saartay amar lagu xirayo masaajidyada, waxaana durbadiiba ganafka ku dhuftay culamada, iyo imaammada masaajidyada Puntland, taasoo ku qasabtay inay Wasaaradda Arrimaha Diinta Puntland laasho (ka noqoto) amarkii ay horay u soo saartay.
Waxaa xusid mudan, in warbaahinta qaarkeed, siyaasiyiin, iyo xildhibaanno ay shaki gelinayaan baarista, iyo warbixinta Wasaaradda Caafimaadka oo sheegaysa in 3 kiis oo la xiriira Coronavirus dalka laga helay. Taas oo madaxwareer ku riday bahda caafimaadka ee la tacaalaysa ka hortagga Covid-19. Waxaa durbadiiba ka hadashay Wasiiradda Wasaaradda Caafimaadka Dr. Fowsiya Abiikar, oo xaqiijisay in dhammaan baarista la xiriirta caabuqa Coronavirus lagu soo sameeyey dalka dibaddiisa, iyadoo lala kaashanaya Laanta Caafimaadka Aduunka (WHO), islamarkaasna natiijada tahay mid la hubo!
Dadka Somaaliyeed waxuu kolkii horeba la dhibaataysnaayeen cudurro daawo iyo tallaal loo heli karo, sida qaaxada, duumada, jadeecada, dabaysha, shuban biyoodka iwm. Haddaba, su’aasha ayaa ah dadka Somaaliyeed sideebay u wajihi karaan cudur aan daawo iyo tallaal toona loo hayn?
“Dowlad wanaag iyo wadashaqeenta bulshada ayaa lagaga guulaysan karaa dagaalka lagula jiro Covid-19” sidaas waxaa rumaysan madaxa xaaladaha degdegga ah ee Laanta Caafimaadka Aduunka (WHO) Dr. Mike Ryan, (Al Jazeera March 27, 2020).
Waxaa la odorosayaa in qaaradda Afrika ku soo wajahan tahay khatar caafimaad oo xoog leh, maadaama aysan qaaradda u diyaarsanayn ka hortagga xanuunnada halista ah, sida Covid-19.
Qaarada Afrika dadka ku nool ma wada haystaan biyo nadiif ah, magaalooyinka iyo xaafadaha iskuraranka ah waxaa ka jira nadaafad xumo weyn, waxaa intaas dheer, in nidaamka caafimaadka Afrika uu yahay mid aad u liita!
Waxaa muhiim ah in khilaafka siyaasadda, danaha shaqsiga, iyo kan kooxaha meel la iska dhigo, loo wada duubto halista cudurkan loona dhegannuglaado talooyinka bahda caafimaadka, iyo go’aannada xukuumadda, si dalka iyo dadka Somaaliyeed looga badbaadiyo aafada Covid-19.
Dowladda Soomaaliya waxaa ku habboon inay soo saarto go’aanno lagu xirayo goobaha Cilaajka (quraan saarka), iyo Xarumaha dhaqan celinta waana goobo u nugul inuu cudurka CoronaVirus ku faafo. Waxaana habboon inay abuurto guddi kormeera xabsiya dalka ku yaal, islamarkaasna xukuumadda cafis u fidiso maxaabiista ku xukuman dembiyada fudud, si loo dhimo tirada ku jirta xabsiyada dalka.
W/Q Saciid Cabdisalaam