Post View....

Ciidamada Xoogga oo fashiliyey qaraxyo lagu soo xiray xoolo nool

0
63

Ciidanka xooggaa dalka ee ku sugan deegaanka Jannaale ayaa ku guuleystay in ay ka hortagaan qaraxyo maleeshiyada argagixisada Al-shabaab ay ku soo xireen  labo neef oo Lo’ah.

Ciidamada ayaa sidoo kale ku guuleeystay in shacabka degaanka ay ka badbaadiyaan walxahaasi qarxa ee la doonaaayey in loo adeegsado xayawaanka dad la noolka ah,sida ay warbaahinta dowladda u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidamada.

Degaanka waxaa maalmihii la soo dhaafay ku sugan Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/guuto Odawaa Yuusuf Raage kaasi oo ku howlan dar dargalinta howlgalada ciidanka Xoogga Dalka ee argagixisada Dalka uga xoreeynayaan.

Deegaanka Jannaale ayaa kamid ah deegaanno dhawaan ciidamada xoogga dalka ay kala wareegeen maleeshiyada Alshabaab oo dhibaato ba’an ku hayay shacabka ku nool halkaasi.

About Author