Post View....

Maraykanka:Markab ay saaran yihiin 4,000 oo shaqaale ah ayaa laga helay Covid-19.

0
58

Kabtanka Markab ah nooca qaada diyaaradaha dagaalka oo ay saaran yihiin 4,000 oo shaqaala ah ayaa ku baaqay in si degdeg ah caawin loola soo gaaro si loo joojiyo cudurka Corona oo gudaha markabka ka dilaacay .

Tira ah ciidamada saaran Theodore Roosevelt ayaa laga helay cudurka Corona,markabka ayaa saaka ku soo xirtay xeebaha Guam ee dalka Maraykanka.

“kuma jirno dagaal ,bad-maaxiintu ma aha in ay dhintaan,” Kabtan Brett Crozier ayaa sidaasi ku sheegay warqad uu Pentagon u soo qoray.

Kabtan Crozier ayaa ku taliyay in la karantiilo dhammaan shaqaalaha saaran markabka.

Warqadiisa ayuu sidoo kale ku sheegay in tirada badan ee bad-maaxiinta saaran markabka aysan suuragal ka dhigayn in la karantiilo shaqsiyaadka xanuunsan.

Waxaa hadda la joogaa xilligii uu Faafayay Corona ‘” waa uu socdaa wuuna sii xoogaysanayaa, ayuu ka digay kabtanka oo warqadan soo qoray 30 March.

“Tallaabo lixaad leh ayaa loo baahan yahay,” ayuu intaa ku daray.

Kabtan Crozier ayaa ka digay in markabkabkan ah kuwa xambaara niyukleerka uusan lahayn goob dadka lagu karantiilo si loo joojiyo faafidda xanuunka.

Ma cadda ilaa iyo imika tirada shaqaalaha saaran markabka Theodore Roosevelt ee uu soo ritay caabuqa Corona.

Afhayeen u hadlay ciidamada badda ee Mareykanka ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters ” in ay wadaan tallaabooyiin degdeg ah si loo xaqiijiyo caafimaadka iyo bad-qabka ciidamada saaran markabka Theodore Roosevelt”.

Tirada Mareykanka ugu dhimatay Cudurka Corona ayaa imika ka sara martay tiradii Shiinaha ugu dhimatay.

Ugu yaraan 3,400 ayaa la sheegay in ay dalka Mareykanka ugu geeriyoodeen Corona .

Tirada u caabuqa soo ritay dalka Mareykanka ayaa noqotay tii ugu sareysay caalamka oo dhan waxayna gaartay 175,000, .

Isha: –BBC, Reuters &VOA

 

About Author