Post View....

Al-Shabaab oo sheegtay in Qaraxku dileen Madaxii Saadka guutada 12-ka April iyo ciidamo la socday.

0
50

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xooggan oo ka dhacay bartamaha magaalada Muqdisho kaasi oo lagu beegsaday askar iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Melleteriga dowladda Federaalka.

Qaraxa oo ahaa mid jugtiisa laga maqlay inta badan xaafadaha degmada Hodon ayaa lala beegsaday gaari Cabdi bile ah oo uu watay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada melleteriga dowladda.
War rasmi ah oo ka soo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegtay in qaraxa ay ku dishay askar, waxaana dadka dhintay ku jira madaxii Saadka guutada 12-ka Apriil kaasi oo magaciisa lagu soo gaabiyay Magaroow.
Qaraxan khasaaraha badan dhaliyay ayaa ka dhacay inta udhaxaysa Tarabuunka iyo Isbitaalka Digfeer, qaraxyada iyo weerarada tooska ah ee ka dhanka ah askarta iyo saraakiisha dowladda ayaa si joogta ah uga dhaca inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

About Author