Post View....

“Saddex kiis oo kaliya ayaa inoo diiwaangashay, WHO inooma soo gudbin Kiisaska Covid-19 ee Somaliland”

0
56

Maxamed Siciid Cabdullaahi Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka XFS oo la hadlay Mustaqbal ayaa ka hadlay kiisaska Soomaaliya ee Cudurka Covid-19, iyo labada ruux uu haleelay Fayruska ee ku sugan Deegaanada Somaliland.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka XFS waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka ay diiwaangelisay saddex ruux oo midkood yahay ajnabi ka howlgala Xerada Xalane, kuna xaqiijiyeen baaris ay sameysay Hay’adda Caafimaadka Qaramada Midoobay ee WHO.

Waxa uu soo hadal qaaday labada kiis ee gelinkii dambe shalay ku dhawaaqay Madaxweynaha Somaliand Muuse Biixi Cabdi ee la xiriira Cudurka Coronavirus.

Maxamed Siciid Cabdullaahi Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya waxa uu sheegay in baariska fayruska Corona ay Soomaaliya gacan ka siiso Hay’adda WHO, isla markaana dib ugu soo celiso natiijada usoo baxdo, balse illaa haatan aysan heyn wax kiis ah oo ay ka diiwaangelisay Somaliland.

“DFS waxa ay gaartay go’aan ay kula soconeyso Fayruska Corona, waxaana Waajib ka saaran la socodka dalka, Howsha Dowladda ay ku maareysay Gurmadka ka yimid Alibaba waxaa la wada gaarsiiyay Somaliland iyo maamul Goboleedyada guud ahaan” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Soomaaliya Maxamed Siciid Cabdullaahi.

Waa uu sii hadlay waxa uuna yiri “Waxa aynu haynaa saddex kiis oo ay xaqiijisay Hay’adda WHO, wali ma heyno kiisaska laga soo sheegay Somaliland, Aynu sugno wixii kasoo kordha, Ma garaneyso sida loo baaray mana heyno xaqiijinta Hay’adda Caafimaadka Adduunka”.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku dhawaaqay in labo kiis oo fayruska Corona laga helay Deegaanada maamulkiisa, midkood ayaa ah Ajnabi, waxaana uu u dhashay dalka Shiinaha

 

About Author