Post View....

Wasaaradda Caafimaadka oo qalab caafimaad ku wareejisay maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug.

0
52

Muqdisho:-Wasaaradda Caafimaadka (XFS) ayaa maanta qalab caafimaad oo loogu talagalay ka hortagga cudurka Coronavirus si ku wareejisay maamullada Hirshabeelle iyo Galmudug.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in qalabkaasi sida tooska ah loogu wareejiyey Hirshabeelle iyo Galmudug uu qayb ka yahay deeqo gaar ah oo loo qoondeeyey dowlad goboleedyada ka jira dalka, si looga hortaggo faafitaanka COVID19.

Qalabkaan ayaa dowladda Soomaaliya waxa ay ka heshay Shiinaha, gaar ahaan maal-qabeenka Jack Ma, oo ah aas-aasaha shirkadda Alibaba oo qalabkaan ugu deeqay Afrika.

Horay dowladda dhexe ayaa maamullada Puntland, Jubbaland iyo Koofur Galbeed u gaarsiisay deeq la mid ah tan, si loo xakameeyo cudurkaan oo halis ku haya caalamka.

About Author