Post View....

XOG: Xaaf Oo Shaaciyay Inuu Wali Yahay Madaxweynaha Galmudug…

0
62

Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa markale ku celiyay inuu yahay madaxweynaha saxda ah ee maamulka Galmudug,isagoo dafiray maamulka cusub ee fadhigoodu uu yahay magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweyne Xaaf oo magaalada Gaalkacyo kula hadlayay Xildhibaano isugu jira Labada gole ee Baarlamanaka Federaalka iyo shacab badan ayaa si kaftan ah u Yiri” Wali waxaan ahay madaxweynaha Galmudug,” waxaana halmar is qabsaday Howlka qosol iyo sacab.

Magaalada Gaalkacyo waxaa ku sugan Xildhibaano uu hoggaaminayo Senator Cabdi Xasan Cawaale qeybdiid,kuwaas oo wada hadal kula jiro madaxweyne oo ku aadan sidii loo xalin lahaa Khilaafkii ka dhashay doorashadii Galmudug ee uu Qoor Qoor ku soo baxay.

Warar horay u soo baxay ayaa sheegaya in Khadka Telefoonka ay ku wada hadleen madaxweyne Qoor Qoor iyo Xaaf,islamarkaana isla meel dhigeen qaabka lagu xalin karo Khilaafka jira.

Xaaf ayaa laga doonayaa in la qanciyo kana soo qeyb galo Xafladda caleema saarka ee madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor,taas oo lagu wado iney ka dhacdo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad goboleedka Galmudug.

 

About Author