Post View....

XOG: Maxamuud Sayid Aadan Oo Ka Hadlay Wada Hadalka Uu Kula Jiro Dowladda Federaalka…….

0
61

Madaxweyne Ku-xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo wareysi siiyay Tv-ga Jubbaland ayaa ka warbixiyay wararka sheegaya inuu wada hadal kula jiro Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan inuu isku soo dhiibo.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in warkaasi uu yahay mid abuur ah,islamarkaana ay wataan dad dano gaar ah leh,wuxuuna carabta ku adkeeyay inuu wali aamisan yahay Kitaabkii uu ku dhaartay iyo mas’uuliyadii loo igmaday.

” Ma jiraan wax wada hadal gaar ah oo aan kula jiro Dowladda Federaalka,haddii ay dhacdana waxaan ula hadlayaa anigoo xambaarsan mansabka madaxweyne ku-xigeenka ee Jubbaland ama wafdi Jubbaland hoggaaminayo,waxaana warkaas magaalada geliyay dad dano gaar ah leh,” ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan.

Sidoo kale, madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay dhibaatooyin badan ka wado deegaanada Jubbaland,islamarkaana dadka ay iska horkeeneyso.

Waxaa jira Khilaaf xooggan oo u dhaxeeya maamulka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka,kaas oo sababay gacan ka hadal dhiig ku daaday.

 

About Author