Post View....

XOG: Wasiir Janan Oo Naqdiyay Amar Ka Soo Baxay Axmed Madoobe

0
59

Wasiirka amniga maamulka Jubbaland C/rashiid Janan ayaa madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ka diiday inuu mar kale dagaal rogaal celis ah ku qaado degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo,halkaas oo ay wali ku sugan yihiin ciidamada Dowladda Federaalka.

Sababta Wasiir Janan u diiday amarka Axmed Madoobe ayaa lagu sheegay iney tahay xuquuq la’aan heysata ciidamada Jubbaland ee ku sugan qeybo ka mid ah magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi bari Kenya,kuwaas oo halkaas dhibaatooyin kala duwan ay ku heystaan.

Sidoo kale, Wasiir Janan ayaa madaxweynaha Jubbaland u sheegay inuu gabaabsi yahay hubka iyo saanada ciidan ee ay heystaan ciidanka Jubbaland,taasina suurta gelineyn in mar kale dagaal la qaado.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa qaatay soo jeedinta Wasiirka amniga Jubbaland,wuxuuna balan qaaday inuu daboolayo baahida ciidan ee haatan jirta.

Maamulka Jubbaland ayaa qorsheynaya dagaal ay dib ugu qabsadaan qeybo ka mid ah gobolka Gedo gaar ahaan magaalada Baladxaawo oo ciidamada Dowladda ay heystaan.

 

About Author