Post View....

Al-Shabaab oo ‘ka faa’iideysatay’ khilaafka u dhexeeya Dowladda somalia iyo Jubbaland

0
64

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee maamulka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo u warramay warbaahinta ayaa si adag uga hadlay khilaafka kala dhexeeya dowladda federaalka iyo dhaq dhaqaaqyada gobolka Gedo.

Ugu horreyn wuxuu ku eedeeyey dowladda dhexe inay aysan dooneyn in xal dhab ah laga gaaro khilaafka labada dhinac oo marba marka ka dambeysa ka sii daraya.

Sayid Aadan ayaa sidoo kale tilmaamay in khilaafka u dhexeeya labada dhinac ay ka dhex faa’iideysatay kooxda Al-Shabaab, wuxuuna carabka ku dhuftay inay isku ballaarisay qeybo badan oo ka mid ah gobolka Gedo ee koofurta dalka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in gobolka ay ka qortaan dhalinyaro cusub, kuna tababaraan deegaanka Ceel-Cadde, sida uu hadalka u dhigay.

“Gobolka Gedo, Degmada iskaba dhaaf xitaa tuulooyinka kuma aysan sugneen Al-Shabaab, balse maanta waxa ay joogaan Degmooyin ay Ceel Cade kamid tahay oo ay ku tababartaan dhalinyarada ku biireysa, taasi waa natiijada ka dhalatay faragelinta Dowladda.” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulka Jubbaland.

Maxamuud Sayid Aadan oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in dhibaatooyin kala duwan ay soo mareen qabashada degmooyinka gobolka Gedo, si ay uga saaraan Al-Shabaab, wuxuuna hoosta ka xariiqay in dagaalladaasi ay ku waayeen askar fara badan.

Dhinaca kale wuxuu qiray in dowladdu guud ahaan ay qabsatay gobolka Gedo, islamarkaana aysan Jubbaland gacanta ku heyn hal degmo, siduu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn wuxuu u soo jeediyey dowladda federaalka inay joojiso dhaq dhaqaaqyada milatari ee ay weli ka wado gobolka, si loo soo afjaro khilaafka u dhexeeya labada dhinac, isagoo carabka ku adkeeyey inay diyaar u yihiin wadahadal miro dhal ah.

 

About Author