Post View....

XOG: Madaxweyne Farmaajo Oo Diiday Kulanka Qaar Ka Mid Ah Beesha Mudulood

0
56

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka cudur daartay inuu la kulma Odayaal ay iska soo xuleen Waxgaradka Beesha Mudulood,kuwaas oo doonayay iney madaxweynaha kala hadlaan arrimo soo kordhay.

Ilo ku dhow Madaxweyne Farmaajo ayaa inoo sheegay in madaxweynaha uu tallaabadan u qaaday sidii aan looga sii dari lahayn Xiisada u dhaxeysa qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Beesha Mudulood iyo Madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka,islamarkaana dib loo dhigo kulankaas si wadatashi dheer loo soo sameeyo.

Waxgaradka Beesha Mudulood ayaa doonayay iney madaxweynaha kala hadlaan sidii xal buuxa looga gaari lahaa mad madowga jira iyo in la dedejiyo maqaamka gobolka Banaadir,taas oo ah waxyaabaha ugu horeeyo ee Dowladda iyo Siyaasiyiinta Beesha mudulood ay isku khilaafsan yihiin.

Dhawaan waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay shir ay isugu yimaadeen Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Beesha Mudulood,kuwaas oo ka hadlay xaaladda dalka guud ahaan gaar ahaan dhibaatooyinka ka jira magaalada Muqdisho,shirkaas oo keenay dhiilo iyo colaad an gacan ku hadal gaarin.

Cali Mahdi,madaxweynihii hore ee dalka ayaa ku goodiyay inaan waxba loo dhimi karin Beesha Mudulood,islamarkaana lagu qasbi karin waxaysan rabin.

 

About Author