Post View....

Ciidamada DFS iyo kuwa Itoobiya oo dhaq-dhaqaaqyo ciidan kawada Gobolka Gedo & Cabsii dagaal oo ka jirta

0
66

Degmooyinka Doolow iyo Baladxaawo waxaa dhaq-dhaqaaqyo ciidan kawada Ciidamada iyo Dowladda iyo kuwa Itoobiyaan ah oo dhawaan kasoo gudbay Xadka Soomaaliya uu dalkaas la wadaago.

Ciidamadaan oo aan lahayn tiradooda rasmiga ah waxa ay todobaadkaan kasoo gudbeen Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaana ay wataan Gaadiid iyo hub culus sida Taangiyo iyo Gawaarida Xamuulka ah.

Saraakiil katirsan Ciidamada Dowladda waxa ay Warbaahinta u sheegeen in Ciidamada Huwanta ah ay doonayaan sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen Degmooyin katirsan Gobolka Jubada Dhexe oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Ciidamada Itoobiyanka ah ayaa dhawaan saldhigyo ka sameystay Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, waxa ay la wareegeen gacan ku heynta Garoonka diyaaradaha Degmadaas iyo qaar kamid ah goobo ay ku sugnaayeen Ciidamada Dowladda.

Maamulka Jubbaland ayaa dhawaan qiray in guud ahaan Gobolka Gedo uu gacantooda ka baxay, waxaana ay sheegeen in ay ku fara adeegayaan Jubada hoose oo ay kaga sugan yihiin Degmooyin muhiim ah, halka Jubada dhexe oo inta badan Al-Shabaab ay ku sugan yihiin ay qorsheeyeen in ay gacanta ku dhigaan.

DFS iyo Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa loolan adag uga jira gacan ku dhigista Degmada Bu’aalo ee Gobolka Jubada Dhexe oo ah Caasimadda Dastuuriga ee Jubbaland oo ay maamulaan Al-Shabaab.

Labada dhinac waxa ay kala wadaan abaabul Ciidan, Gobolka Jubada Hoose waxaa dhaq-dhaqaaqyo ciidan kawada Dowlad Goboleedka Jubbaland, waxaa hoggaaminayo Madaxweyne Axmed Madoobe iyo saraakiil katirsan Madaxtooyada Maamulkiisa.

About Author