Post View....

XOG: 5 Xil oo kabannaan golaha Wasiirada Soomaaliya & Kheyre oo diiday in la buuxiyo

0
67

Sida ay muujisay baaris kooban oo ay sameysay badweyntimes 5 kaalin oo ay bannaayeen madax kaladuwan oo loo magacaabay xilal kale ayna iska casileen mas’uuliyiintii hayey ayaa kabannaan golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya, xilalkan ka bannaan golaha Wasiirada ayaa waxa banneeyey Wasiir ku xigeeno iyo Wasiiru-dowlayaal halka qaarkoodna ay xilalkan iska casileen.

Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskhaashiga Caalamiga ah Mudane Mukhtaar Mahad Daa’uud oo shaqo joojin lagu sameeyey Bishii Agoosto 2018 ayaa illaa hadda waxa aan la magacaabin lana maareeyn xilkiisii

Wasiir-dowlihii Wasaaradda Awqaafta Arrimaha Diinta ayaa isna banneeyey xilkii wasaaradda Kadib markii madaxweyne Farmaajo uu u magacaabay Cabdixakiin Xasan Ibraahim Ashkir in uu noqdo safiirka Soomaaliya ee dalka Sacuudiga bishii May 2018, hayeeshee weli lama howglin Ashkir tan iyo sidii madaxweynuhu u magacaabay xilka danjiraha Soomaaliya ee Sucuudiga.

Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Mudane Cabdikariim Khaliif Dhalac ayaa isna iska casilay xilkiisa Bishii September 2019, hayeeshee illaa hadda lama magacaabin.

Wasiiru-dowlihii Wasaaradda Howlaha Guud & Dib u dhiska Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa iska casilay xilkaas kaidb markii uu kaqaybgalay Jan-2020, olihii doorashada Galmudug Kadibna loo doortey Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug

Wasiiru-dowlihii Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka  Mudane Cabdullaahi Faarax Wehliye ayaa isna iska casiley  xilkaas  Janaury-2020, iyada oo xilkaasi bannaan yahay loona magacabai cid kale.

About Author