Post View....

Odayaasha dhaqanka iyo Culimada Gobolka Mudug oo ka shiray arrimaha amniga Deegaanada Gobolkaasi.

0
55

Wararka naga soo gaarayo Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa shegaya in halkaa lagu soo Gaba-gabeeyay Shir muhiim ah oo u socday odayaasha dhaqanka iyo culimada ku dhaqan Gobolka Mudug .

Kulanka ayaa mudadii uu socdday waxaa looga hadlay sidii la isaga kaashan lahaa wax ka qabashada falalka amni darro ee xiliyada qaarkood ka dhac Gobolka Mudug iyo waxyaabaha maan-dooriyaha sida Qamriga iyo Xashiishka oo dhibaato ku haayay deegaanka.

Duqa Degmada Gaalkacyo Xirsi yusuf Barre iyo Guddomiyaha Gobolka Mudug Cabdirahmaan Ali diiriye ayaa xusay in tilaabo sharci ah laga qaadayo cidkasta oo isku deyda in sharciga ay baal-marto.

Kulanka ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa Saraakiisha Ciidanka amniga Galmudug, maamulka Degnada iyo kan Gobolka, waxaana Saraakiisha ay Odayaasha iyo Culimada ka dalbadeen inay ku garab istaagayaan wax ka qabashada dhibaatoyinka degaanka ku soo kordhay.

About Author