Post View....

Xildhibaanada Cusub ee Koofur Galbeed oo maanta lagu dhaarinayo Baydhabo & Xal laga gaaray khilaafka

0
70

Magaalada Baydhabo Xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed waxaa maanta lagu dhaarinayaa Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka labaad ee lagu dhawaaqay 19-kii bishaan.

Munaasabadda dhaarinta waxaa loo qorsheeyay Xarunta Baarlamanaka, waxaana ka qaybgalaya mas’uuliyiin uu kamid yahay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo guddoonkii Baarlamaanka 1-aad KGS.

Warar ay heshay Warbahainta gudaha waxa ay sheegayaan in Xildhibaanada qaarkood ay ka maqan yihiin Magaalada Baydhabo, balse la dhaarin doono inta badan Mudanayaasha oo ku sugan Xarunta Gobolka Baay.

Golaha Wakiilada ee Dowlad Goboleedka KGS oo laga yareeyay tiradii uu ka kaabnaa Baalamaankii hore waxaa lagu soo koobay 95 Xildhibaan, waxaana sidaasi dalbaday Madaxweyne Laftagareen.

Cabasho waxaa ka keenay qaar kamid ah Xildhibaannada labada Gole iyo wasiiro katirsan XFS oo sheegay in la baalmaray hab qaybsiga beelaha marka la eego qaabka xulista Baarlamaanka labaad ee KGS, waxaana ay saluugeen kuraasta ay ka helaan Golaha Wakiilada.

Guddi ay iska dhex magacaabeen Xubnaha dhaliilsan Baarlamaanka ayaa tagay Magaalada Baydhabo oo ay kula kulmeen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka KGS Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, inkasta oo aan lasoo bandhigin waxyaabaha ay ku heshiiyeen.

Warar lagu faafiyay Baraha Bulshada waxaa lagu sheegay in Xubnaha ka tagay Muqdisho iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed ay heshiis ka gaareen xalinta cabashadooda, waxaana jirin war kasoo baxay labada dhinac oo lagu faah-faahinayo waxyaabaha ay isku afgarteen.

 

About Author