Post View....

Howlgal lagu raadinayo Dadkii ka dambeeyay dilka Xildhibaan lagu dilay Gaalkacyo oo ka socda Magaaladaas.

0
62

Ciidamada ammaanka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa howlgal ay ku raadinayaan dadkii ka dambeeyay dilka Muqtaar Axmed Cumar (Tinle) kawada Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Howlgalka waxa ay ciidamada ku baadi-goobayaan dadka ay ku tuhmayaan ama ay la xiriirinayaan in ay ku lug leeyihiin dilka Xildhibaankaan katirsanaa Golaha Deegaanka Magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha Axmed Muuse Nuur Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland oo la hadlay Mustaqbal waxa uu sheegay in Ciidamada ammaanka ay ku daba-joogaan soo qabashada raggii dilay Xildhibaan Muqtaar.

“Muqtaar waxa uu ahaa Xildhibaan, sidoo kale waa Ganacsade, waxaa dishay Gacan ka xaq daran, waxaana dilkiisa ka dambeeyo dad caadeystay beegsiga dadka Bulshada wax u qabta, balse Ciidamada ammaanka ayaa ku daba-joogo oo aan ka quusan doonin soo qabashada gacan ku dhiiglayaasha” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Mudug dhinaca Puntland.

Magaalada Gaalkacyo dhankeeda Waqooyi waxaa muddooyinkii dambe ka dhacayay falalka liddiga ku ah Amniga, waxaana Maamulka Gobolka, kan Magaalada iyo Hay’adaha ammaanka ay ku hanjabeen in ay wax ka qabanayaan dhacdooyinkaas.

 

About Author