Post View....

Wasaaradda Owqaafka iyo arrimaha Diinta Soomaaliya oo ammar ku bixisay in Dugsiyada Qur’aanka muddo 2-Todobaad ah+Sawirro

0
64

Wasiirka Wasaaradda Owqaafka iyo arrimaha Diinta ee Soomaaliya, Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa Maanta oo Isniin ah ku dhowaaqay in la xiro dhamaan Dugsiyada Qur’aanka Kariimka ah muddo Laba Todobaad ah si looga hor tago faafidda Cudurka Coronavirus.

 

Hadalkan oo uu Wasiirku ka jeediyay kulan wada tashi ahaa oo ay yeesheen mus’uuliyiinta Wasaraadda Owqaafka iyo arrimaha Diinta ee (XFS) iyo qaar ka mid ah Culimaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale lagu joojiyay in la furo goobaha kale ee lagu barto culuumta Diiniga ah.

Guddoomiyaha Majmaca Culumada Soomaaliyed, Sheekh Yuusuf Cali Caynte ayaa kulanka ka sheegay talada ugu fiican ee looga hortagi karo cudarkan in ay tahay Alla bari caam ah oo ay Bulshadu sameyso, iyadoo aan meesha laga saarin talooyinka ay bixisay Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.

About Author