Post View....

Wararkii ugu danbeeyay Qarax lala eegtay Ciidamo Itoobiyaan ah & Khasaaro ka dhashay

0
54

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan qarax khasaaro geysatay oo Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya oo kamid ah AMISOM lagula eegtay degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Saldhiga weyn ee Ciidanka Itooiya ku leeyihiin degmada Garbahaareey,iyaga oo watay Gaadiid ay ku socdaalayeen Ciidamada Itoobiya.

Dadka degmada Garbahaareey qaarkood ayaa waxaa ay sheegeen inay maqleen jugta qaraxa,hayeeshee aysan cadeyn karin khasaaraha gaarey Ciidamada Itoobiya ee qaraxa lagu weeraray.

Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyada qaraxaas ayaa waxaa ay sheegen in weerarka miino ay ku dileen laba kamid ah Ciidamada Itoobiya Afar kalena ay ku dhaawaceen walow aysan jirin warar madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

Muddo ka badan Saacad ayaa waxaa hakad galay isku socodka dadka iyo Gadiidka Xaafadaha ku dhow halka qaraxa lagula eegtay Ciidamada Itoobiya walow markii dambe dib loo furay.

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya degmada garbahaareey ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,isla markaana isku socodka dadka iyo Ganacsiga ay si caadi ah u Shaqeynayaan.

 

About Author