Post View....

Maamulka Baraawe oo beeniyay in uu burbur gaaray Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladaas..

0
66

Degmada Baraawe waa caasimadda Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, inkasta oo uusan waligii ku shaqeyn maamulka, waxaa gacanta ku hayo Ciidamada Dowladda iyo AMISOM.

Maalmihii ina dhaafay waxaa baraha bulshada lagu faafiyay warar la xiriira in Roob ka da’ay Degmada Baraawe uu burburiyay qaybo muhiim ah oo katirsan Garoonka Diyaaradaha oo dhawaan Xarigga uu ka jaray Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Cumar Sheekh Guddoomiyaha Baraawe waxa uu Warbaahinta u sheegay in aysan jirin burbur gaaray garoonka, waxaana uu hadalkaas ku tilmaamay mid ka dhan ah isbadalka ka jira Magaalada.

Aadan Cumar oo ah isu duwaha Gobolka Shabeelaha Hoose waxa uu u digay shaqsiyaadka faafinaya wararka la xiriira in Garoonka cusub ee Degmada Baraawe uu ka dumay qayb kamid ah.

Garoonka ayuu sheegay in uu wanaagsan yahay, balse duullimaadyada diyaaradaha guud ahaan dalka laga joojiyay uu saameyn ku yeeshay, go’aankaasina uu yahay mid guud oo kasoo baxay Dowladda Federaalka, balse marka xayiraadaas la qaado uu garoonka sida caadiga ah ugu shaqeyn doono.

Dhismaha garoonka baraawe oo muddo socotay waxaa la xarig jaray 10-kii bishaan, mas’uuliyiin katirsan Dowlad Goboleedka KGS ayaa wada hirgelinta xarumo ay ku shaqeynayaan hay’adaha kala duwan ee Maamulka kolka loo guuro Caasimadda, maadaama xiligaan si KMG ah ay ugu shaqeeyaan Baydhabo ee Gobolka Bay.

 

About Author