Post View....

Vedio: Puntland Oo Sheegtay Inay Ka Jawaabi Doonto Qarixii Ka Dhacay Garoowe

0
47

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhamancad ayaa sheegay in qaraxii ka dhacay Magaalada Garoowe ee lagu weeraray mas’uuliyiin uu kamid ahaa guddoomiyihii Gobobolka Nugaal uu ahaa Ruux isku soo xirey waxyaabah qarxa oo ismiidaamiyey.

Shir Jaraa’id oo uu Warbaahinta ugu qabtey Garoowe ayuu ku sheegay in Puntland ay wado baaritaano ku aadan qaraxaas,sidoo kalena ay hayaan qeyb kamid ah xog ku saabsan qofkii isku qarxiyey Guddoomiyihii Gobolka Nugaal ee dhaawaca u geeriyoodey iyo taliyihi hore ee qeybta Booliska Gobolka oo haatan dhaawaca la jiifa.

Puntland ayuu ugu dambeyn sheegay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Puntland inay ka go’an tahay ka hortaga dhacdooyinka amni darro ee ka dhaca deegaannada Maamulkaas,waxaana uu sheegay inay ka jawaabi doonaan qarixii ka dhacay Magaalada Garoowe.

Si kastaba qarixii ismiidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay Garoowe laguna weeraray Guddoomiyihii Gobolka Nugaal ayaa waxaa mas’uuliyadiisa sheegtay Al-Shabaab,iyaga oo sheegay inay ku dileen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland.