Post View....

Soomaaliya :Allow adigaan ku baryeena kuwaan kuwo ka Qayr Roon noo keen!!!

0
62

Bal u Fiirso maanta Shacab ilaa madax waa dad inta badan wada tuugo ah, yaad aaminee.
U fiirso madaxda wadankaan mid kasta wuxuu hamigiisu yahay inay meel sare nolosha ka gaaraan, sida waa inay Dal ka baxsan Soomaaliya ku yeeshaan Guryo ay iyaga leeyihiin, islamarkaana mararka qaar ay u baxsan karaan markii ay isku yaabaan, ama ay carootood iyo xaasaskoda dejiyaan si ay u helaan waxbarasho sare iyo Caafimaad, qaarkood waa kuwa wata Dalal kale dhalashadooda oo aminsana inay yihiin Soomaali dhab ah
Soomaaliya waa dal madaxdiisu yihiin kuwo musuqa ku adeegta, oo waxaad arkee askari hal sanno ka mid ah Ciidanka dowladda oo xiran Darajada G/Sare ama mid ku dhow.


Ha Hilmaamin in Shacabka Soomaaliyeed ay u muuqdaan inay yihiin kuwo aysan jirin cid u maqan oo iyaga dhibaatada haysata ka saaraysa, iyadoo arkayso in Shacabka Soomaaliyeed laga xiro meel walba oo ay ka shaqaysan lahaayeen sida Dekadda Muqdisho, iyadoo Dekadda ay u soo xoogsi tagaan Shacab Turki ah oo Ilmahooda ka korsada, Soomaalidii badnayd ee Dekadaasi ku nooleedna ay yihiin kuwo Dalka ku duruufaysan oo aysan jirin cid garab ku siisa halkii ay Nololmaalmeedkooda ka dhacsan lahaayee.

Shacabka Soomaaliyeed waa kuwo xitta la’a wado ay si xor ah u maraan si ay u raadsadaan Nolol maalmeedkoda, taasina waxay keenta in mararka qaar shacabku dhowr Kiilo mitar ay ku dhex lugeeyaan Magaalada Muqdisho.

Madaxda Dalkaan waa Tuugo haddii aan ku dhaho ma ahan inaan iyaga u gafayo, sababtoo ah haddii xafiisyadooda u aahato waa kuwo ay ku wareegsan yihiin Dgaxaan waa wayn, waxayn aamini waayeen dhowrka Tikniko oo Ilaalada u ah, kuwaasi oo ka daba carar oo kaliya markii ay magaalada marayaan.

Abwaan Faarax Seefey ayaa horay u yiri : Toog tuugo waa idiin talee, isagoo ogaa markaasi inay maalin uun imanayso Madax Tuugo ah oo dalkaan ka talisa, madaxdaan maanta dalka u talisa waa kuwo eegta dantooda oo kaliya oo aan eegin danta Shacabka iyo dalka ay sheeganayaan inay maanta Xukumaan, Allow adigaan ku baryeena kuwa kuwo ka Qayr Roon noo keen.

WQ:Maxamuud Axmed Xasan IXuurshe)

About Author