Post View....

Sarkaal katirsan Ciidamada Canshuurta Boosaaso oo la dilay, waxaana sheegtay Al-Shabaab.

0
49

Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari waxaa maanta lagu dilay Maxamed Muuse oo katirsan Saraakiisha Ciidamada Dowladda hoose ee Canshuurta ka qaada Xarunta Ganacsiga Dowlad Goboleedka Puntland.

Koox hubeysan ayaa dilka geysatay sida Mustaqbal ay u sheegeen ilo wareedyo ku sugan Magaalada Boosaaso, waxaana Dilka kadib goobta tagay Ciidamada Nabadsugidda ee PSF-ta loosoo gaabiyo.

Ciidamada ayaa howlgal ay ku raadinayaan dadka ay la xiriirnayaan in ay ka dambeeyeen dilka Maxamed Muuse oo kamid ah Saraakiisha Canshuurta Dowladda hoose Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilkaan, waxaana ujeedka ay ku sheegeen in uu qayb ka yahay howlgal ka dhan Dowlad Goboleedka Puntland iyo xubnaha maamulka katirsan sida ay hadalka u dhigeen.

Magaalada Boosaaso waxaa kusii kordhaya dilalka loo geysanayo Askarta iyo xubnaha katirsan Dowlad Goboleedka Puntland, waxaana dhacdadaan ay timid iyada oo la hadal hayo weerarkii ka dhacay Magaalada Garoowe ee lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka Nugaal.

 

About Author