Post View....

“Qaraxii ka dhacay Garoowe Xogtiisa waynu haynay, taxadar la’aan ma jirin balse qadarka ayaa ka weynaa” Deni.

0
53

Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa faah-faahin ka bixiyay qarax ismiidaamin ahaa oo xalay ka dhacay Magaalada Garoowe ee lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka Nugaal.

Madaxweyne Deni waxa uu tacsiyeen kadib sheegay in aan loo dulqaadan Karin dhacdadii xalay ka dhacay Magaalada Garoowe ee Xarunta Dowlad Goboleedka Puntland.

Ujeedka Al-Shabaab ay ka leeyihiin bartilmaameedsiga Guddoomiye Gu’jir waxa uu ku tilmaamay in ay tahay cuuryaaminta horumarka iyo isbadalka ka jira Deegaanada Maamulka Puntland.

“Qaraxii ka dhacay Garoowe waxa aynu haynay macluumaadkiisa, balse Qadarka ayaa ka weynaa in laga hortago kahor inta uusan dhicin, waxa ugu weyn ee laga damacsanaa waa in lagu burburiyo horumarka dadka Puntland oo diiday in ay aqbalaan in deegaanadooda ay ka difaacdaan cadawgooda” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland waxa uu sheegay in aysan Hay’adaha ammaanka gacmaha ka laaban doonin wax ka qabashada weerarada Al-Shabaab ee ka dhanka ah Maamulkiisa.

Waa uu sii hadlay waxa uuna sheegay in Maamulka Puntland uu wajahayo labo marxalad oo kala ah kahor tagga fayruska Corona iyo sugidda amniga oo maalmihii ina dhaafay ay dhacayeen dhacdooyin liddi ku ah.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda ismiidaaminta lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi oo ku magac dheeraa Gu’jir, waxaana la dhaawacmay sarkaal iyo ciidamo ilaalo u ahayd.

 

About Author