Post View....

Saddax Marxaladood ayuu soo maray Guddiga Madaxa banan ee Doorashadu, Mar la isku xoog sheegto,mar…=Nasashada Jimcaha. Q-193aad=

0
99

Wax Akhyaar loogu Maahmaaho malehe.

1-Galkcayo, waxay soo martay 3-Marxaladood oo “Corona virus-ka” looga hortago.

a)Qofkii looga shakiyo inuu qabo Corona virus, waxaa lagu dhufan jiray 7 Garuun, si Caajiska iyo Cudurku uga baxaan.

b) Qofkii Garoonka Gaalkacyo ka soo dagayo waa in Kitaabka Qur’aanka uu ugu dhaarto, in uuna qabin Cudurka Corona virus.

c) Jaaliyadda Reer Gaalkacyo ee UK ayaa u soo dirtay Garoonka Gaalkacyo Qalab ,Qaraxyada lagu baaro, laakin sooma raacin Waraaqado cadeynayo sida loo isticmaalo ama Qof Dadka baro isticmaalkiisa. Qalabkaa ayaa hadda loo isticmaalaa Baaritaanka Cudurka Coronaha. ( F.S: 1aad).

(Saddax Marxaladood ayuu soo maray Guddiga Madaxa banan ee Doorashadu, Mar la isku xoog sheegto, mar la is ku dhaariyo in Dastuurka la raacayo, iyo Hadda oo Dastuur la’aan Duuduub la isku marsiinayo)

2- Oday Muridi oo Reer Xamarweyne ahaa ayaa Wiilkiisa ka dareemay Jiljileec, waxa uu go’aansaday in uu Gobalada u diro. Muridi waxa uu soo Gatay Baabuur N3 ah iyo Rimoor uu jiidayo, waxa uuna u dhiibay Darawal Reer Gaalkacyo ah, Wiilkiisiina Kirishbooy ayuu uga dhigay. Safar dheer ayaa la galay. Wiilkii oo Gaarigii saaran ayaa arkay Rimoorkii oo ka furtay Gaariga oo gooni isaga dhaqaaqay.

Markii Tuuladii la tagay ayaa Darawalkii arkay in uu Rimoorkii maqan yahay, wiilkii oo dusha Gaaiga saarnaa ayuu weeydiiya. War aaway Rimoorkii ? wiilkii ayaa yiri: Kaas mar horaas leexday, iniis meel kale u sucdaan u mudaayay. Horta, Adlee ma wadinuu Baabuurka aas daba socday, maxaad ii weydiinee hadiis asna u leexday Tuuladii aas u socday. ( F.S: 2aad)

( Dalka, Rimoorkii iyo Furkii Gaarigu haday kala haraan, Darawalkuna uu kirishbooyga weeydiiyo goormey kala hareen Gobaladii Dalku?. yaa u jawaabayo)

3-Nin Reer Gaalkacyo ahaa oo bootaale ahaa, ayaa Ciyaalka Xaafada ee Deg. Hodon ku wareeriyay ,Sheeka kasta oo ey sheegaan waxa uu dhihi: Mid la mid ah ayaa hadda ka hor ku dhacday, Hooyadeey ama Abtigeey.

Mid Ciyaalka Xaafadda ka mid ahaa ayaa u fikiray, iyada oo la wada sheekeeysanayo ayuu yiri: Hadda ka hor ayaan tahriibay, Libiya ayaa ma gafe igu qabtay, si xun ayuu ii galay, xatta waa i kufsaday. Kii reer gaalkacyihii waa iska aamusay, Sidii Caadada u aheyd, ma dhihin Hadda ka hor ayaa tanoo kale ku dhacday Hooyadeey ama Abtigeey.

Mid dhinaciisa fadhiyay oo Ciyaalka Xaafadda ahaa ayaa ku yiri: kan naga Bareejeey Nooh, sidii hore oo kale lee. ( F.S: 3aad)

(Koo mar kastaba wixii la sheego dhihi jiray: Anigana Adeerkey ayaa ii sheegay, ayaa maalintii kale lagu yiri: Deyntii Somalida lagu lahaa weli lama cafin. Shib lee ahaa)

4- Nin Reer Waqooyi ah oo lahaa Saddax Gaari oo Nuuca “Sabaaxa” ah, ayaa soo degay Magaalada Marko, Waxa uu bartay Garoob Reer Marko ah, wuuna guursaday, Muddo markii uu qabay ayeey kala wareegtay 3dii Gaari, kadibna wey iska furtay.

Maalmo kadib ayuu Haweeneydii ku yiri: waan iska tegayaa waxaana u noqonayaa waqooyiga, waxaan kaa codsanayaa in aan hal habeen kaliya kula seexdo, si aan u hilmaamo wixii igu dhacay. weyna ka ogolaatay. Qaad ayuu cunay, Kadibna iyada oo qaawan ayey soo hor istaagtay ,waxa eyna ku tiri: Caawa ayaa kuugu dambeeyso in aad aragto Jirkeeyga ee si fiican u fiiri. Markii uu fiiriyay ayaa arkay meel uu si fiican u yaqaan Markaa ayuu yiri: Saddaxdeeydii gaari ma halkaa ayaa lagu baarkimay, Irida ayuuna ka baxay. ( F.S: 4 & 5aad)

( Ameey ka dhacdaa, Baddeydii, Birigeeygii, iyo Hawadeydii, Dalkaa deriskaa miyaa lagu Barkin gareeyay..Allow na mooti)

5- Koox Somali ah oo meel wada fadhiday ayaa la weeydiiyay. Ruuxa marka lagaa qaadayo waa xanuun badan yahay, Goormeed jeclaan leheed in lagaa qaado si aad u hilmaanto Xanuunka.

Koo Reer Gaalkacyo ahaa ayaa yiri: waxaan jeclaan lahaa marka Geel la iga dhaco, Tol ii gurmadana aan waayo, Ciilna aan qabo ma dareemayo Xanuunka Nafta iga baxee, ee haleeyga qaado markaa.

Kii Reer Baydhabo ayaa yiri: Beerta oo ii baxday, Bakaarunu ii duugan tahay, wartana biyo iiga buuxaan, markaa ayaa Aduunyo gacanteeyda ku jirtaa, wax iga maqanina ma jiraan, markaa ha la iiga qaado.

Kii Reer Gedo ayaa yiri: Aniga oo Horin Ciidan ah hogaaminayo, Garbuhuna ii Gaduudan yihiin, Gadaalna Gudooniye ii joogo, Gardaradeyduna Gar tahay. Markaa ayaan wax isbidaa ee nafta hala qaado.

Kii Reer Bakool ayaa yiri: awalba ma iyadaa igu jirtay.Markii la doono hala qaado.

Kii Reer Hiiraan ayaa yiri: yaan leey gaadin, Anoo Tolkeey la joogo haleey yimaado, Hadeey Naftu Bexeeydo waa talo noo wada taal.

Kii Reer Berbera ayaa yiri: Anniga oo 6 Marduuf oo Qaad ihi i hor taal, Xaaskeyga Caasha Luulna i ag fadhsido , Hees Qaraamiyana ii shidan yahay, dee markaa uun hala qaado Ruuxda, aduunkana aan farxad ku maca salaameeyo.

Kii Reer Garowe, ayaa yiri: Aniga oo Maareerye ah, wiilkeygana Agaasime loo magacaabay Siyaasi sarena ii sacbinayo, Punt landina aan loo baqeyn markaa ha lala baxa nafta.

Kii Reer Xamarka ayaa yiri: Anigoo Makhrib soo Tukaday, Dukaankana Soo xirtay, Badeecadiina faa’iido badan ka helay, Batuulana Horteeyda Bajii iyo Baamiye ku diyaarisay ,Hala siibo Allana ha ii raxmado.

Kii Reer Joowhar ayaa yiri: Aniga oo Xaaskeyga la jimceysano, meel ficanna ey ii mareeyso , marka Dhibicda ugu horeyso iga timaad , markaas ayaan ogaal beelaa oo aanan xanuun dareemeyn, ee Nafta hala siibo.

Kii Reer Kismayo ayaa yiri: Annagu waa badan nahay oo Somali oo dhan ayaan nahay, ee su’aasha 4.5 noogu qeybi, Midba suurabo ha looga qaado.

( Somalidu waaba kala maane, ( F.S: 6aad) Adiguna Goormeed Jeclaan lahayd in Nafta lagaa qaado)

6- Nin dhiig kar qabay oo Dalka Canada joogay ayaa Sodohtiis ( Xaaskiisa hooyadeed) dhibtay. Maalintii dambe ayaa isagii oo Shaqadii laga soo eryay, Sharcigiina loo diiday, ayey ku qeylisay. Waxa uu ka soo tuuray Qolkii ey deganeed ee Dabaqa 8aad. Maxkamaddii ayaa lagu weydiiyay: Maxaad Sodohtaa Dabaqa 8 aad uga soo tuurtay?. Waxa uu yiri: Dhismuhu maleheeyn Dabaq 9aad, waxa uu ahaa 8 Dabaq oo kaliya ( F.S: 7aad)

(no comment)

Qore: Yahya Amir

About Author